Wasiirka Waxbarashada oo shahadooyin Guddoonsiisay haween Tobabar Macalinimmo ku qaatay Dugsiga Sare SOS Degmada Sheekh

Sheekh-(Berberanews)-Wasiirka Waxbarashada Somaliland Samsam Cabdi Aadan, ayaa maanta shahaadooyin guddoonsiisay 30  gabdho ah oo dhammaystay tobabar macalinimmo oo ay ku qaateen Dugsiga Sare  SOS ee Degmada Sheekh.

Munaasibad loo sammeeyay dhammaystirka tobabarkan oo lagu qabtay Xarunta Dugsiga SOS ee Degmada Sheekh waxa ka soo qaybgalay Badhasaabka Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan, Maamulka Degmada Sheekh, Guddoomiyaha Jaamacadda Camuud Prof. Saleebaan Axmed Guuleed, macalimiin arday iyo marti-sharaf.

Wasiirka Waxbarashada Somaliland SamSam Cabdi Aadan, ayaa ammaan ballaadhan u soo jeedisay Dugsiga Sare ee SOS iyo maamulkiisa oo ay ammaantay tayada waxbarasho ee ay ardayda siiyaan.

Marwo SamSam waxay hablaha waxbarashaha dhammaystay u ballanqaaday inay qaar ka mid ah haweenka shaqo gelin doonto, kuwo kalena ay qorshaha ugu jirto, waxaanay u soo jeedisay inay waxbarashadoodu sii wataan.

Badhasaabka Saaxil Maxamudu Calio Saleebaan oo isaguna munaasibadda ka hadlay, ayaa macalimiinta tobabarka qaatay u soo jeediyay inay aqoonta ay barteen u gudbiyaan ubadka iskuullada dhigta oo midhaha laga arko.

 Guddoomiyaha Jamaacadda Cammuud Prof. Saleebaan Axmed Guuled, ayaa ka warrammay taariikhda waxbarasho ee dugsida Sheekh oo isaga laftiisu ka soo baxay, waxaana hadalkiisa ka mid ahaa, “halkani [Sheekh] waa mmeshii aan wax kubartay, waligayna iloobi maayo ,hawshan tabobara macalimiinta waxa bilawday Jaamacada Camuud waxaanan u arkaynay in loo baahan yahay ,waayo intii kasoo baxday Lafoole ee macaimmiinta ahaa waa gaboobayaan, markaa waa in la helaa jiil buuxiya shaqdaa mcalinnimada ,waxaanu gabdha ha  u sheegay in shaqadani tahay LAANDHEERE sidaa daraadeed ay ku faaanaan, sababtoo ah Nabigeenii Maxamed ba macalin ayuu ahaa N.N.K.H.A.”ayuu yidhi Guddoomiyuhu.

Maayarka Degmada Sheekh Ibraahin Cabdilahi Cabsiye, ayaa ammaan ballaadhan u jeediyay macalimiinta tobabarka dhammaystatay, waxaannu  sheegay in aay degmo ahaan aad u tebi doonaan hablahan mudadii koobnayd ee aay iskuulada wax ka dhigayeen, waxaanu xusay In xaflado sabootin ah aay usameeyeen ardayda ,waalidiinta,iyo shacabka degmada sheekhba,

Berberanews.com

Degmada Sheekh

info@berberanews.com