Wasaaradda Caafimaadka oo Joojisay Tallaalka Cudurka Dabaysha oo Toddobaadkan ka Bilaabmi Lahaa Dalka

Hargeysa (Jam/Berberanews)- Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa joojisay tallaalka dabaysha (Polio) oo la filayey inuu si rasmi ah toddobaadkan uga bilaabmo gobollada iyo degmooyinka dalka, iyadoo Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ku hawlan tahay inay toddobaadkan ku dhawaaqdo sidii cudurka dabaysha looga cidhibtiri lahaa guud ahaan caalamka.

Ma jiro war rasmi ah oo caddaynaya sababta loo joojiyey tallaalkaas, balse sida ilo-wareedyo lagu kalsoonyahay Jamhuuriya u xaqiijiyeen, waxa tallaabadani la xidhiidhaa dhinaca kharashka lagu socodsiinayo hawsha ololaha tallaalka cudurka dabaysha oo la filayey inuu toddobaadkan ka bilaabmo gobollada dalka Somaliland.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Mr. Cabdi Axmed Nuur (Cabdi Guray) oo Jamhuuriya khadka telefoonka kula xidhiidhay xalay si wax looga weydiiyo sababta loo joojiyey tallaalkii dabaysha, ayaa diiday inuu wax tafaasiil ah arrintaas ka bixiyo, isagoo sheegay in aannu wax war ah siinayn wargeyska Jamhuuriya.

“Ma doonayo in aan Jamhuuriya wax xidhiidh wareed ah la yeesho, waxaanan idiinku cadhoonayaa warkii la xidhiidhay lambarrada laga furay gaadiidka dawladda ee aad iga baahiseen, ilaa aad raalligelin ka bixisaana wax war ah idin siin maayo ee raalli ahaada,” ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka oo wax laga weydiiyey sababta loo joojiyey tallaalka dabaysha.

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland marwo Nimco Xuseen Qawdhan oo Jamhuuriya telefoonka ku waydiiyey xalay waxa ka jira in wararka sheegaya in wasaaradododu joojisay tallaalkii cudurka dabaysha oo la filayey inuu toddobaadkan dalka ka bilaabmo, waxa ay meesha ka saartay in aannu qorshaha ugu jirin tallaalkaasi dhawaanahanba, iyadoo sheegtay in wasiirkoodii iyo haweenayda madaxda ka ah WHO ay ku maqan yihiin magaalada Geneva ee caasimadda dalka Switzerland.

“Ma ogi anigu arrintaas. Wasiirkii Caafimaadka iyo haweenaydii madaxda ka ahayd WHO waxay ku maqan yihiin magaalada Geneve, markaa wax tallaal ah oo dabaysha ah waqtigan kuma jiro qorshahayaga,” ayey si kooban u tidhi Wasiir-ku-xigeenka Caafimaadka Somaliland.

Dhinaca kale, hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan caafimaadka ee WHO oo qayb ka ah shir lagaga hadlayo cudurka dabaysha (Polio) oo ka dhacaya dalka Switzerland, ayaa la filayaa inay toddobaadkan ku dhawaaqdo qorshe degdeg ah oo wax lagaga qabanayo ama lagu cidhibtirayo cudurkaas oo dhibaatooyin ku haya qaaradaha Afrika, Yurub iyo Aasiya.

Madaxa WHO u qaabilsan ololaha dabargoynta cudurka dabaysha Dr. Bruce Aylward, ayaa sheegay in 24 kii bilood ee u dambeeyey dhacdooyin naxdin leh oo la xidhiidha cudurka dabaysha laga soo calaamadiyey dalal ka tirsan qaaradaha Yurub, Afrika iyo Aasiya.

Sources, Jamhuuriya