HARGEYSA: Ardayda Jaamacadda Addis Ababa Medical College oo Xusay munaasibadda 18 MAY

Hargeysa, May 18, 2012, (Berberanews) – Ardayda Jaamacadda Addis Ababa Medical College ayaa munaasibad ay ku xusayaan sannadguurada 21aad ee la-soo-noqoshada madaxbannaanida Somaliland xalay ku qabtay Huteelka Xaraf ee magaalada Hargeysa.

Munaasibaddan oo si heer sare ah loo soo agaasimay waxa ka soo qaybgalay wasiirka wasaaradda Ganacsiga Somaliland, Wasiir-ku-xigeenka wasaaradda caafimaadka Somaliland, maamulka iyo ardayda jaamacadda iyo martisharaf kale.

Ugu horreyn waxa munaasibaddaasi hadal kooban ka jeediyay Maamulaha guud ee Jaamacadda Addis Ababa Medical College Md. Cabdijabbaar Axmed Berkele, ayaa faahfaahin ka bixiyay ujeeddooyinka ay u jirto jaamacaddani, isaga oo sheegay in ay mustaqbalka dhow bilaabi doonaan kulliyad si buuxda loogu baran doono culuumta dhakhtarnimada.

Md. Cabdijabbaar Axmed waxa uu ardayda iyo guud ahaanba shacabka Somaliland ku hambalyeeyay xuska sannadguurada 21aad ee ka soo wareegtay markii ay Somaliland goonni uga go’day Soomaaliyada kale.

Guddoomiyaha guddida ardayda Jaamacadda AAMCH Md. Axmed Maxamed Yoonis ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay xuska munaasibaddani, waxaanu ardayda jaamacadda uga mahadceliyay sida ay ugu dhiirradeen inay noqdaan ardaydii ugu horreysay ee xaflad noocan oo kale sannadkan qabta. Yoonis waxa uu sidoo kale ardayda ku bogaadiyay 21-guurada ka soo wareegtay xuska maalinta qarannimada Somaliland.

Wasiir-ku-xigeenka wasaaradda caafimaadka Somaliland Marwo Nimco Qawdhan ayaa iyaduna ka warrantay dhibaatooyinka qabyaaladda, iyada oo ka sheekaysay qiimaha waxbarashada iyo aqoon-wadaaggu u leeyahay bulshada iyo qarannimada Somaliland.

Wasiir-ku-xigeenka caafimaadku waxay  sidoo kale ka hadashay qiimaha qarannimadu u leedahay guud ahaan bulshada Somaliland, iyada oo jaamacadda Addis Ababa Medical College ku hambalyaysay doorka ay kaga jiraan hawlaha caafimaadka ee Somaliland.

Ugu dambayntii waxa munaasibaddaas soo xidhay wasiirka wasaaradda ganacsiga, warshadaha iyo dalxiiska Somaliland Md. Cabdirasaaq Khaliif oo sheegay inuu ku faraxsan yahay munaasibaddan maadaama uu arday ka yahay jaamacaddan, isla markaasna uu ka tirsan yahay golaha wasiirrada Somaliland.