Wasiirka Waxbarashada iyo maamulka Gobolka Saaxil oo dhagaxdhigay Mashaariic Horumarinta waxbarashada ah

Berbera-(Berberanews)-Wasiirka Waxbarashada Somaliland samsam Cabdi Aadan iyo maamulka Gobolka Saaxil, ayaa maanta si wada-jira u dhagaxdhigay dhismayaal lagu kordhiyay dugsiga sare iyo dhexe ee magaalada Berbera.

Wasiirka Waxbarashada MARWO sam Sam iyo Guddoomiyaha Xafiiska Imxtixaannaadka qaranka Daa’uud Axmed faarax oo ay weheliyaan Badhasaabka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax),Maayarka Berbera Cabdalle Maxamed Carab iyo masuulliyin kale kormeer  ay ku sammeeyeen Dugsiyada kala duwan ee magaalada Berbera, ka dib dhagaxhdigeen shan mashruux oo waxbarashada ah, kuwaasoo isugu jira fasalo cusub oo lagu soo kordhiyay dusgiyada Sare iyo dhexe,dhismaha Xarunta Agoomaha iyo goobtii uu ku yaallay Dugsigii caanka ahaa ee Bursade.

Wasiirka wasaarada waxbarshada Marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa hadal kooban oo ay ka jeedisay dhagax dhigii Dugsiga sare ee Berbera ee Bursade waxay sheegtay in Waxbarshadii goboka Saaxil wax weyni iska bedeleen, isla markaana uu gobolku ku talaabsaday horumar balaadhan, taas oo ay sheegtay in ay suurtagelisay wada shaqaynta fiican ee ka dhaxaysa masuuliyiinta Gobolka Saaxil.

Wasiirku waxay sheegtay inay dhawaan xadhiga ka jari doonaan dugsiyo waxbarasho oo ay ka hirgeliyeen degmooyinka Gobolka Saaxil.

Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan oo ah hormoodka Horumarka Gobolka, ayaa ballanqaaday maamul ahaan inay sii wadi doonaan horumarinta waxbarashada Gobolka Saaxil oo isbedel weyni ku yimi tan iyo intii xukuummadda uu hoggaaminayo Xisbiga KULMIYE talada la wareegay.

Gudoomiyaha waxbarshada Gobolka Saaxil Ibraahin Digaale Maxamuud, ayaa isna ku amaanay Wasirka sida fiican ee ay ula shaqayso gobol ahaan, isla markaana hoosta ka xariiqay in dhismayaasha manta la dhagax dhigay ay wax weyn ka tari doonaan waxbarshada Gobolka Saaxil.

Wasiirka Waxbarashada oo ay weheliyaan Maamulka Saaxil iyo Degmada Berbera waxay kormeer ku tegeen Xarunta Wershadda Laydhka iyo Garroonka Casriga ah ee Dawladda Hoose ka hirgelisay.

Berberanews.com

info@berberamews.com