Ardayda Dugsiyada Sare ee Burco oo Loo Qaban Doono Tartamo Ciyaareed iyo Kuwo Suugaaneed

Burco-(Berberanews)- Kulan lagaga hadlayey sidii ardayda dugsiyada sare ee magaalada Burco loogu qaban lahaa tartanno isugu jira ciyaaraha kubadda iyo tartan-suugaaneedyo, ayaa lagu qabtay shalay magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer.

Guddoomiye-ku-xigeenka Guddiga Xoojinta Nabadda Burco Mr. Mr.Jamaal Maxamed Warsame oo iyagu soo qabanqaabiyey kulankan, ayaa sheegay inay ardaydda dugsiyada sare ee degmada Burco u qaban doonaan tartanno ciyaaraha kala duwan iyo kuwo suugaaneedba.

“Tartannadani waxay isugu jiraan ciyaaraha kuabadda cagta, laliska , orodada, tartan-suugaaneed iyo habka khudbadaha loo akhriyo, waana barnaamij ay soo diyaariyeen Guddiga Xoojinta Nabadda ee Burco, waxana naga caawisay hay’adda DDG, waana barnaamijkii saddexaad ee aannu fulinayno,” ayuu yidhi Jamaal Maxamed Warsame, isagoo intaas ku daray in muhiimadda barnaamijka laga leeyahay tahay isdhexgalka dhallinyarada reer Burco.

Isuduwaha Wasaaradda Ciyaaraha Gobolka Togdheer Mr. Cabdiraxmaan Fagadhe, ayaa soo dhaweeyey tallaabadan, isagoo ballanqaaday inay kaalintooda ka qaadan doonaan.

“Wasaarad ahaan waannu soo dhaweynaynaa, waana hawshyadii, waxaanan ka qaadan doona kaalintayada, waana tallaabo wanaagsan oo loo baahna,” ayuu yidhi Isuduwuhu.

“Tartamadan isugu jira ciyaaraha kala duwan iyo kuwa suugaaneed ee loo qabtanayo ardayda dugsiyada sare ee Burco, hay’ad ahaanna aannu maaligalinay, fulinayaana Guddiga Xoojinta Nabaddu waa kuwo looga dan leeyahay isdhexgalka iyo dhiirrigalinta dhallinyarada, si ay uga fogaadaan qabyaaladda oo u noqdaan mid keliya.” Sidaa waxa yidhi Muxuyadiin Yuusuf oo ka tirsan hay’adda DDG oo ka hadlay halkaas, isagoo u mahadceliyey Guddiga Xoojinta Nabadda ee Burco iyo masuuliyiintii kalee ka qaybgalay kulankaas.

Kulankan oo ahaa mid si weyn loo soo agaasimay waxa kaloo ka hadlay Ciise Cabdi Xayd oo ka socday Wasaaradda Waxbarashada, abwaan Hurre Walanwal iyo xubno kale, kuwaas oo dhammaantood tilmaamay inay tartamada loo qabanayo ardayda dugsiyada sare ee Burco ay yihiin qaar kor u qaadaya dhiirrigalinta dhallinyarada iyo isdhexgalka bulshada.

Waa markii u horreysay ee tartamo noocan oo kale ah loo qabto ardayda dugsiyada magaalada Burco.

Berberanews.com

info@berberanews.com