Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo furay Xarun cusub oo Guddiga doorashooyinka looga dhisay Hargeysa

Hargeysa-(Berberanews)- Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa xadhigga ka jaray dhisme cusub oo noqon doona xarunta guud ee Guddiga doorashooyinka Somaliland.

Munaasibad loogu talo galay furitaanka Dhismaha ay yeelan doonaan Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo ay maaligelintiisu lahaayeen Ururka Wadamadda Taageera Hanaanka Diqmuraadiyadda Somaliland ayaa maanta lagu qabtay Xarunta Cusub ee Komishanka Qaranka.

Xaflada Furitaanka Dhismahani oo ay ka soo qayb galeen Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland , Ururadda siyaasadda Somaliland, Asxaabta Qaranka, xubno ka socda Golaha wasiiradda iyo Shirguddoonka Golaha wakiiladda Somaliland, Qaadhaan-bixiyayaasha Somaliland ka Taageerada Qabsoomida doorashooyinka iyo Horumarinta Nidaamka Dimuquraaddiyadda, iyo marti-sharaf kale.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Ciise Maxamuud Yuusuf (Xamari) oo kulankaa ka hadlay, ayaa ka warramay Xaaladihii kala Duwanaa ee uu soo Maray Komishanku ayaa Tilmaamay inay Markii loo Magacaabay Xilkani ay Goobta ugu Yimaadeen Dhismayaal Qadiimi ah iyo shaqaale kooban balse ay haatan wakhtiga dhamaakooda Bulshadda Somaliland uga Tagayaan Dhismayaal Dhaxal-gal ah.

Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinku waxa kale oo uu sheegay inay wixii hadda ka dambeeyaya ay u diyaar-garoobayaan qabashadda Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka, isaga oo xusay inay samayn doonaan Tijaabooyin iyo Talooyin badan inta ka horraysa qabashada Doorashooyinka soo socda.

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo gebo-gabaddii Munaasibaddaa ka hadlay ayaa sheegay qiimaha ay Qaranka ugu fadhido furitaanka Xaruntan cusub iyo sidoo kale kaalinta ay ku leedahay horumarinta hannaanka Xisbiyada nadan. Waxaanu sidoo kale Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland ammaan u soo jeediyay Xubnaha Guddiga doorashooyinka Qaranka, isagoo sidoo kalena shahaado-sharafyo guddoonsiiyay Xubnaha Guddiga Dimuquraaddiyadda waddammadda Reer Yurub ee kulankan xarunta lagu furay goob-joogga ka ahaa.

Mudane ka tirsan Ururrada Democracy Committee Yurub, ayaa sheegay inay Somaliland kala qayb qaadan doonaan qabshoomidda doorashooyinka soo socda isagoo sidoo kalena ugu hambalyeeyay shacabka Somaliland sidii quruxda badnayd ee ay u doorteen hoggaanka dalka 26 June 2010-kii.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.