Suugaanta iyo Silsilada Sallaamlayna yaan la Suuldaarayn

Wax kasta oo bilowdaa waxay ku bilowdaan sabab  waxay leeyihiin ujeedo waxaana ka danbeeya  dad   ay maskaxdooda  ka  timid  oo dareenkooda ka soo fushay    ama  tiraab ha noqoto ama tacliin ha noqoto ama tignoolajiyad ha noqoto ama taariikh  ha noqotee   wax kastaa meel lagu tilmaamo ayay  leedahay oo ay ka soo unkatay  laguna  ogyahay  laguna taariikheeyo.

Sidaa wada ognahay  mudooyinkan  waxaa shabakadaha soomaaliga lagu qoro  ku badnaa  Silsilada Sugaaneeda  xiisaha badan ee     Sallaamaley la yidhaahdo  silsiladdan oo uu daah furay  Abwaanka da’da yare ee Abwaan Xasan Faarax Abiib(Xasandaaci) Gabayga la magac baxay “Sallaamaley” ee silsilada loogu magac daray ahna  Gudoomiyaha Golaha  abwaanada  ardayda   suudaan   Abwaanka ayaa bilaabay   gabay  siinleey ah oo uu kaga  hadlayey marxaladihii kala duwanaa iyo dhibaatooyinkii colaadaha iyo abaaraha lahaa ee Somaliland  soo martay iyo hadafka  siyaasadeed  ee Gooni isu taaga Somaliland  Inay  xaq u leedahay  in hanaankeeda iyo horumarkeeda aan la xagal daacin  gabaygii uu bilaabay  xasan halkaas kuma sinaane ee waxaa soo galay  rag saaxiibadiisa oo  dunida  daafaheeda kala jooga  gabaygii  “Sammadoon” ayaa ku xigay  oo isaguna xaal waran iyo wanaag sheeg ahaa ee uu tiriyey  Khaliif Faarax xayir   waxaa isna ku soo biiray  o  ku xigay   Gabaygii “Saamax “ee uu Tiriyey  Cabdiraxiin Hilowle  labada  gabay ee danbe waxay ka hadlayeen ummada soomaaliyeed ee ku hadasha  af soomaaliga inaysan kala maarmin  laysa saamaxo gebi ahaan  lana noqdo  dad isku duuban , heshiisku maaha in la midoobo kaliya  laakiin  haddii  aan cuqdad iyo cilladi jirin  waa la wada noolaan karaa  iyada oo walaalo la yahay nin weliba  waxuu  doono  ayuu noqon karaa ama Somaliland ama Somalia   muhiimadu waa in bulshada  soomaaliyeed  ahaato dad walaalo ah ayay  ku soo koobeen .

Haddaba  Silsiladu kuma koobnaan  nimankan isu Jawaabay ee waxaa lagu faafiyey  Shabakadaha  Af soomaliga  waxaana loo furay  Hal-abuurka soomaaliyeed oo dhan

Balse waxaa lagu saleeyey xeer iyo xad ayaa loo yeelay oo waxaa loo sameeyey  albaab laga soo galo iyo hanaan looga qayb  qaato waxaana ka  qayb galay ilaa hadda 14 hal abuur iyada oo qaar kalena  la hayo oo aan weli  gabayadooda la shaacin  ilaa hadda way u furantahay abwaanada  soomaaliyeed balse waxaa lama huraan ah inay dhawraan  shuruucda iyo qodobada loo baahanyahay.

Silsiladdan  waxaan   u ilaalinaynaa  inaysan noqon mid  dhibaato iyo xummaan  iyo xiqdi iyo xasarad iyo baas abuur keenta, inay belaayo   iyo dab iyo colaad hurin  sidaas ayaan uga cudur daaranaynaa  magac kasta iyo shaqsi kasta oo goonidiisa  u qardajeexa inuusan saamayn nagu lahayn  waxaa jira dad badan oo aan aqoon  habdhaqanka suugaaneedka  anshaxeeda iyo asluubta suugaaneed   markaa hadday  noqoto  meel aan lahayn   albaab laga soo galo iyo illaalo u gaara  waxay noqonaysaa  halkii subxaanyadii weeyaan  cigaal  oo dee  qof weliba  dho’diisa ayuu ridayaa   awal hore abwaanadii hore iyo silsiladihii suugaaneed  ma jirin   xakame iyo xeer  u gaar  ah balse  tani waxay kaga duwantahay inaysan ku salaysnayn qabyaalada ama  xamaasad iyo gubaabooyinka dhaliya colaadaha  ee ay tahay samo doon  iyo  xal raadis  waxaa kale oo jirtay  Abwaanadii hore way is yaqaaneen  nin weliba  gefkii galo iyo gabay ciniinkiisana  iyo suugaan xumaantiisa  isagay ku suntanayd  haddase waxaa la isticaamalayaa  aallado casriya   oo  qof keliya ayaa sagaal  magac la bixi kara laysmana yaqaan  dadka badidiisuna  meel ma wada joogaan sidaa awgeed  hurimayso in loo saaro guddi anshax iyo  nidaam dhawris ah  waa kuwan  gabayadii ku baxay sifada sharciga  kuwo kalena waan u haynaa  bulshada af soomaaliga ku hadasha  shaqsi kasta  oo jecel suugaantana waan soo dhawaynaynaa qolo gaara uma oodna balse inaad  fuliso  qaanuunkeeda keliya ayaa loo baahan yahay    soona mariso  halka lagaa dalbaday inaad  ku hagaajiso .

Waxaa silsiladan  Faafinayey si joogta ah oo si joogta ah isugu duba ridayey Cabdiraxiin Hilowle Galayr oo isagu  qaabilsanaa  qaybta faafinta iyo u gudbinta  warbaahinta  af soomaaliga lagu qoro  iyada oo gabay  walba qofkii lahaa ku suntanyahay waxaa  faafreebayey Xasan Faarax Abiib iyo  Bashiir Maxamed  Hersi  oo turxaan bixinayey dhinac walba  dhinaca anshaxa iyo asluub suugaaneedka  iyo dhinaca  higaada iyo khaafiyada iyo habdhaca  gabayga in la waafajiyo shuruucdiisa intii awoodi gaadho ee laga  samayn karo waxaana Gabay walba hoosta kala socday  lifaaq odhanayaa  halkaas ku hagaaji  macluumaadkaaga  taladaada iyo gabaygaaga .

Maxay ahayd sababta sidan loo sameeyey  ujeedadu waxay ahayd  inaysan Silsiladdani noqonin mid  cillad iyo cudur iyo cadaafaadh  reebta  oo qabyaalad iyo qudhun iyo qabyaalad   keenta   balse  ay ee ay noqoto  masrax suugaaneed  ay  labadii Gobolee soomaaliyeed (Somaliland & Somalia) ee  hadda siyaasadooda aadka u kala  fogtahay   Silsiladani  waa mid ay ku  wada xaajoonayaan  fursada labaadna waxay tahay dhiirigelinta iyo kobcinta   fanka  iyo hal abuurka   dhalinyarada soomaaliyeed  fankooda  iyo  Hal abuurkooda  kor loogu qaadayo si loo helo  dhalinyaro bedesha  Abwaanadii sharafta badnaa ee soomaaliyeed  ee dhaxalka suugaaneed  ee badan nooga tegay darna ilaa haatan  noola taagan yihiin   nin weliba aaraahdiisa iyo  odhaahdiisa  iyo  Ra’yigiisa  suugaaneed waa u xor keliya waa inuu  dhawraa anshaxa suugaaneedka soomaaliyeed. Midhahaagu yey noqon  kuwa samaha  maanaca,  mugdi geliya  nabadoo iyo muusanoow daran , ku milgee aqoontaa  ku macnee  garaadkaa , ku maamuus  habkeedii,  ayaan leenahay  dhamaan dadka ka qayb gelaya .

Waan  ogayn inay  dhacayso oo ay imanayso  darjiidh iyo koox  dhinac  maraysa  hanaanka  loo sameeyey  silsiladan waana tan  keliftay inaan qoraalka  ka samayno   haddaba waxaan  ka codsanyaa  shabakadaha soomaaliyeed  inaysan silsiladan  taariikhiga ah u baas bixin oo ay naga saacidaan inay  nala ilaaliyaan  xuquuqda   Suugaaneed iyo  hanaanka  nabaddeed iyo  habdhaqanka Soomaaliyeed oo aanay wax  aan  maamulka  Silsiladda   soo marin aysan soo daabicin .

Waxaan ka cudurdaaranaynaa  laba Gabay  oo aan  soo marin  maamulka in la faafiyey waxay Silsiladani leedahay  xeerbeegti iyo guddi ku hawlan  ilaalinteeda  iyo turxaanbixinteeda  waxaaana Gabay weliba leeyahay  Tiro ku cayiman oo  uu qaato waxaa loo kala hormariyaa sidii abwaanadu usoo gudbiyeen iyo sida ay isugu jawaabayaan waxaa  loo sameeyaa sharax iyo  eray  tilmaame  waxaa  isku xidhan  gebi ahaan abwaanada ka qayb qaatay  kuwo hore  isu yaqaanay iyo kuwa  Silsilada isku bartayba .

Haddaba Bahda Sallaamaley Abwaanada silsiladan ku jiraa ee ilaa hadda ka qayb qaatay waxay u soo jeedinayaan   hal-abuurka soomaaliyeed inay ixtiraamaan  shuruucda iyo xeerarka   loo sameeyey silsiladan  waxii  garab maraana inaysan ku soo halqabsan adeegsana magaca silsilada Sallaamaley gebi ahaan dadka  baalmaray  xeerkeeda ee  gabayada iyo   geeraarada aan la soconin  magaca Sallaamaley   ku dabakhay  jebiyeyna  xeerkeeda  waxaan leenahay nin kasta oo hal abuura way u furantahay balse   fadlan  raac  xeer suugaaneedka  iskuna kalsoonaw  fekradaada xor baad u tahay  laakiin  anshaxa iyo asluubta suugaaneed waa lagula hubinayaa keliya , ilaa  hadda waxaan haynaa  laba Gabay oo si qaldan hawada u galay waan ka cudur daaranaynaa  nama khuseeyaan kamana mid aha silsiladda  ,mana aha Gabayo buuxiyey    xeerkii suugaaneed ee silsilada   Dhalinyarada samaysayna  waxaan kula dardaarmaynaa  inay soo maraan  soona buuxiyaan shuruudaha looga baahan yahay   Gabayada aan silsilada ku jirin waxaa  ka mid ah Gabaygan la baxay (Salfududayd) waxaa ka jawaabaya  aqristayaasha  xiiseeyaa suugaanta gabaygaasi inuu buuxiyey  xeerkii silsilada iyo inuu la jaanqaadi karoba   waana kanee bogasho wacan lingaxa hoos ka eeg:

http://oodweynenews.com/articles/168272-gabay-by-abwaan-suldaan-soofe-aadan.html/comment-page-1#comment-237239

Waxaa kale oo jira Gabay  hore  oo u baxay oo  aan lahayn magac  gabaygaas  ninka  sameeyey wuu noo soo diray balse aan ka codsanay inuu soo saxo dhinaca miisaanka iyo khaafiyada hanaanka  gabaygana  soo hagaajiyo balse wuu ku adkaystay  keligii baa faafiyey isaguna kama tirsana  Silsilada Sallaamaley waana kan  gabaygaasi

http://oodweynenews.com/articles/162635-maanso-daba-socota-silsiladii-salaamalay%e2%80%8f-by-cabdi-samad-cade.html

 

Gabayada  baxay ee Sallaamaley

 

1.       Gabaygii 1AAD    Sallaamaley                          Abwaan Xasan Faarax Abiib (Xasandaaci)

2.       Gabaygii 2AAD    Sammadoon                        Abwaan Khaliif Faarax Xayir

3.       Gabaygii 3AAD    Saamax                                 Cabdiraxiin  Hilowle Galayr

4.       Gabaygii 4AAD    Sibraar qoyey                      Abwaan Xasan Faarax Abiib (Xasandaaci

5.       Gabaygii 5AAD    Saara Calankeena               Abwaan  Ahmed Xasan Xaayoow

6.       Gabaygii 6AAD    Sirdoon                                 Abwaan Cilmi Axmed Faradheere

7.       Gabaygii 7AAD    Sarreeye                               Abwaan  Cabdalla Maxamed  Shiikh (BBC)

8.       Gabaygii 8AAD    Soomaaliweyn                    Abwaan  Xasan Bulxan Cali (Bulxan

9.       Gabaygii 9AAD    Sasabo diid                          Abwaan  Khadar Xasan Aadan (Khadar jinni)

10.   Gabaygii 10AAD  Sidigtii Maandeeq              Abwaan Yaxye Xaashi Maxamed (Gaalkacayo)

11.   Gabaygii 11AAD  Sabaan tegay                      Abwaan  Mustafe  Xasan  Nuur

12.   Gabaygii 12AAD   Sahan                                  Abwaan  Bashiir  C/Raxmaan Diiriye(Quule)

13.   Gabaygii 13AAD  Saaka dhaley                       Abwaanad  Farxiya Xuseen Cumar

14.   Gabaygii  14AAD Sinnaan iyo Midnimo        Abwaan  Cabdiciis  Maxamed (Xoogsade)

15.   Gabaygii  15AAD  Sallal                                    Abwaanbad  Safiya Aw axmed Xaji (Dhalkhayr)

 

Gabayada Silsilada  ee  baxay waa intaas waxaa loo kala hormariyaa sida ay u kala horeeyey iyo sida laysugu jawaabayo ee isu raacayaan  dad ayaa isu xilsaaray kuna shuqlan  maaha wax  ciyaar iyo  sheeko caruureed ah  waxaan kale haddana aan  gacanta ku haynaa  ka badan  10  Gabay oo kale  waxaanan mustaqabalka rajaynayaa inaan ka dhigno buug suugaaneed qoran oo  lagu kaydiyo    hal-abuurkan quruxda badan ee  ay  dhalinyarada soomaaliyeed ee rag iyo  dumarba leh soo  gudbiyeen waxaan leenahay shabakadaha soomaalida  fadlan   waxii aan  khusayn ama aad is tidhaahdaan waa  meel ka dhac  ka ilaaliya  Silsiladan   waad mahadsan tihiin

 

 

Waxaa soo saaray qoraalkan

Gudiga  dhawrista  iyo kaydinta Silsilada

Abwaan   Xasan faarax Abiib

Bashiir M. Her  (Diraac)

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Waxaad kala  xidhiidh  kartaa Emailadan  hoos ku qoran:

Daaci77@hotmail.com

brdiraac@hotmail.com

galayr1977@hotmail.com