Bidaartu Ma Cudur-baa Mise Waa Calaamadaha Da’da? Waa Su’aal u Baahan In Si Cilmiyeysan Looga Jawaabo

24-April-2012-Berberanews-(Caafimaadka)-Cilmi Baadhid ku Saabsan Bidaarta………..Bidaartu ma aha cudur laga argagaxo iyo wax Cimrigaaga oo dheeraaday ku yimaada, laakiin waa wax aan la jeclaysan sababta oo ah Ragga qaar ayaa u haysta in gabowgii soo food saaray. 


Bidaartu mataqaan midab takoorka caddan iyo madawtoona, waxay ay ku dhacdaa Rag yar-yar iyo Rag waa weyn-ba. Ragga qaar waxay ku abuurtaa Cuqdad, waxayna galisaa kharash aad u badan si ay timo ugu soo bixi laahaayeen ama waxay xidhaan wax timo u eg qaarkood. 
Rag badan oo lacag leh ama magac leh ayaa timo samaysan lahaa haddii ay u suurto galayso sida *Micheal Jordan*
Madaxa Ragga waxaa daboola ila 100,000 tin. Tinta madaxa waxa ku dhaca wareeg socda oo joogta ah soo bixid iyo lumid ah.
Sida caadiga ah maalin kasta madaxa qofka waxaa ka luma 100 tin, waxaana sidaas oo kale u soo baxa 100 tin.Tintu si joogta
ah ayey uga soo baxdaa madaxa muddo 2-4 sano waxaan la yidhaahdaa xiliga soo koridda (growth phase) ka dibna way istaagtaa muddo 2-4 bilood oo la yidhaahdo xiliga nasashada (rest phase) wakhti ka dibna timaha waa daataan arrintaana waa mid si joogta u soo noqnoqta.
Laakiin mar marka qaarkood shaqadan soo bixida iyo lumida waxaa qasi kara ama qaldi kara dheecaan laga helo ragga oo la yidhaahdo Testostaroon (sex hormoneTestosterone).
Raga qaarkii oo qaba jiin isku mid ah (common gene) isla markaana leh hormoneTestosterone ayaa waxa si tartiib ah u gufeeyaaan daloolada madaxa ee timahu ka soo baxaan isaga oo waliba keenaaya in timo ka soo baxaan wajiga, dhegaha, sanka iyo garbaha.
Dawo ma leedahay bidaartu?

Cariga Maraykanka oo kaliya bidaarta waxay samaysaa ila 43 milion of nin. Waxayna Raggaasi ku bixiyaan lacag dhan 1.5 billion oo Dollar sida ay uga hortagi la haayeen bidaarta.
Maadaama aanay jirin dawo sax ah oo lagu daweeyo bidaarta, ma haboona in qarash lagu bixiyo waa sida ay aniga ila tahay. Dawooyin badan ayaa suuqa ku jira ilaa haddana lama haayo dawo lagu daweeyo ama lagaga hortago bidaarta.
Hal dawo ayaa jirta iyo Qaliin.
Qaliinka: madaxa ayaa lagu abuura timo, taa soo looga danleeyahay in lagu joogiyo lumista timahaa. Dhibaato ayuu keeni karaa qaliinkaasi, ka soo qaad haddii infection uu ku dhaco meesha la qalay.
Dawooyinka oo la kala yidhaahdo Minoxidil iyo Finasteride. Labadaan dawo waxba kama taraan ninka bidaarta leh. Ta kale waxay leeyihiin dhibaato la xidhiidha dawada (side effects) ku waas oo ah Hamada ninimada oo lunta ama Kacsi la’aan, nabaro ka soo yaaca jidhka, barar wajiga iyo faruuraha ama Dibnaha ku dhiga, naasaha oo buuxsama ama adkaada, cuncun iyo xaniinyaha oo barara Ragga.
Waxa soo Tarjumay: Osman Abdillahi Sool….Freelance Journalist. sooldhuub@hotmail.com