Wasiir Duur oo Ururrada hadhay ee Muddaharaadyada abaabulaya digniin iyo hanjabaad is-barkan u jeediyey

Hargeysa-(Berberanews)- Wasiirka arrimmaha gudaha Somaliland, Maxamed Nuur Carraale (Duur), ayaa gaashaanka ku dhuftay qoraal codsi ah oo ay maanta u soo gudbiyeen Hoggaamiyeyaasha toddoba Urur oo ku hadhay kala saarista wejiga labaad ee shuruudaha Ururrada siyaasadda, taasoo ay kaga dalbadeen in loo fasaxo muddaharaad nabadgelyo oo uu kaga soo horjeedaan natiijada Guddiga diiwaangelintu soo saareen Jimcihii.

Wasiir Duur waxa uu hanjabaad iyo digniin culus oo is-barkan u jeediyey hoggaamiyeyaasha Ururrada hadhay ee muddaharaadyada abaabula, isla markaana waxa uu shacabka kula taliyey inaanay ka qaybqaadan muddaharaadyada oo uu ku tilmaamay kuwo sharci-darro oo dalka fawdo gelin kara.

Wasiir Duur oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa xarunta Wasaaradda ee magaalada Hargeysa, waxa in Ururrada aan ku qancin natiijadii Guddiga diiwaangelintu soo saareen ee sagaalka Urur ku hadheen lixda urur-na ku soo baxeen 15-kii Urur-siyaasadeed ee ku-meel-gaadhka ahaa cabashadooda u gudbiyaan hay’adaha ku shaqada leh ee garsoorka si go’aan sharci looga soo saaro tabashadooda, hase ahaatee, aanay ku kicin falal amni-darro iyo qalalaase abuuri kara.

Wasiir Duur waxa uu sheegay inaanay Somaliland ku cusbayn kalmadda la yidhaahdo; ‘maad-guulaysan) hase ahaatee, ay soo martay Madaxweynayaal, Golayaal Baarlamaan, Ururro iyo Xisbiyo, sidaa awgeed-na loo baahan yahay inay Ururrada diiddan natiijada Guddiga diiwaangelinta ku qancaan, haddii kale arrintooda loo arki doono sharci-jebin.

“Waxaan doonaya inaan ka hadlo xaalada Ururada, runtii waxaa tartamay 15 Urur oo waxay u tartameen si ku meel gaadha siday u gadhaan Urur rasmiya oo ay ka qayb galaan tartanka doorashada Golaha degaanka. Is teejkaas la doonaayo in Ururadaas la siiyo aqoonsiga Ururada rasmiga ah in uu ka qayb galo doorashada golaha degaaka waxaloo marayey wado sharciya guddi iyo garsoorna waa loo igmaday oo waxa loo magacabay Guddiga qaranka Somaliland. Waxa jiray xeerar guddiga xadaynaayey oo Golayasha qaranka ka soo baxay oo xadaynaya talaabooyinka Ururka looga baahan yahay siduu halkaas u gaadho, dhaan Ururau sharci way hajibeen guudigana way ajibeen waayo?” sidaa ayuu yidhi Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Md. Duur.

Waxaanu isaga oo hadalkiisa sii wata intaa ku daray oo uu yidhi; “Qofku cidda aanu garsoorkeeda oggolayn wax uma dhiibto oo dhaqan ayeynu u leenahay, haddaanu oggolayn sharciga ka soo baxay Golayaasha Qaranka oo isagu uu garanaayo waddo kale oo Kursiga loo maro, markii hore ayuu iska deyn lahaa. Markaa, anigu waxaan u haystaa inay sharcigii jebiyeen garsoorka Guddigana ay jebiyeen. Guddiga diiwaangelintu waxay soo saareen go’aan ay dhammaan ururradii ay mariyeen, go’aankii maxuu noqday? Waxuu noqday cid guulaysata iyo cid guushii gaadhi wayda oo hadhay.”

Wasiir Duur oo ka hadlayey Somaliland halka ay maanta marayso iyo marxaladaha ay ka soo gudubtay waxa uu yidhi; “Markaa, Somalialnd maanta laga hadlaayo iyada oo labaatan jira, Somaliland maad guulaysan anigu maanta  wax wayn  uma arko. Somaliland waxay baratay maad-guulaysan, tusaale fiican Madaxweynaha Somaliland waxa lagu yidhi; ‘Siddeetan cod ayaad kursigii ku wayday dalka lagu maamulayey, markaa maad-guulaysan maanta wax ku cusub maaha oo waxa hadhay Baarlamaan iyo Ururro, Madaxweynayaal  ayaa hadhay ee kuwani iyagu waxay ahaayeen raad barad oo ay ku hadheen. Markaa, qaar ay u muuqato himilada ay maanta doonayeen ka wayn tahay tan ayaa hadhay oo aqbalay.”

“Somaliland maaha cashar u cusub in la tartamo oo cidi guulaysato cidina guusha weydo. Go’aankaas cidda ku qanci waydaa marka nidaam sharci la raacayo ee aynu dawlad nahay ee fawdo aanay meesha ka jirin ee markii horena aynu sharci ku tartamaynay, ciddii go’aankaas ku qanci wayda maxaa u furan? Waxa u furan garnaqsi waddo kale oo u faran anigu ma garanaayo maanta. Garnaqsigiina waa in dacwad Maxkamadda ku shaqada leh ay u gaystaan oo ay ka dacwoodaan. Taas ayey xaq u leeyihiin, markaa garsoorku Guddiga ayuu dib u eegi karaa.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda daakhiliga Somaliland.

Wasiirka arrimaha guduhu waxa uu sheega rag maanta leh dawladi Somaliland kama jirto oo uu doonayo inuu tuso inay dawlad iyo kala dambayniba ka jirto, isaga oo arrintaa ka hadlaayana waxa uu yidhi; “Ninka maanta leh Somaliland dawladi kama jirto waxaan doonayaa inaan tuso inay jirto dowlad, maamul iyo kala danbayni. Ma bannaana xoog ayaan Urur ku samaysanayaa oo sharciga ayaan baalmarayaa, ma bannaana buuq iyo qalalaase, ma bannaana in nabadda Ummaddani haysato laga burburiyo, annaguna taas ayaannu ilaalinaynaa oo wataas masuuliyadda na saaran inta masuuliyadda nalagala wareegaayo dadka amnigooda waannu ilaalinaynaa, Somaliland-na maanta maaha Quraarad yar oo jabaysa…”

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.