Hambalyo ardayda Somaliland ee hormuudka u noqday 74-arday oo dalalka bariga Africa oo dhamystay Waxbarsha Masterydka ee Kampala University .

Waxa aynu ognahay in arday badan oo reer Somaliland ahi dhigtaan jaamacadaha kala duwan ee dalka Yuganda kuyaala oo ay  ardayda Somaliland  waxbarashada heerarkeeda kaladuwan u doontaan gaarhaan shahaada masterayda looyaqaano taas oo ay arday badani sandkasta ka qalin jibiyaan jaamacadahaa  ku yaala dalkaasi.

Hadaba  2 March 2012 waxa jaamacada Kampalal University oo mataano la ah jaamacada Hope university ayaa  xaflad aad loosoo agaasimay oo lagu qabtay xarunta jaamacadi Kampala International University taas oo shahaadooyinkii lagu gudoon siiyey ardaydaas wax barashada dhamaystay ,ardaydaa waxa kamid ahaa arday wadanka joogtay oo qaar kamida ahi ay xilal sare ka hayaan xumada Somaliland sida Mudane Aadan Cilmi Ahmed oo ah Agaasimaha Guud ee wasaarada Ganacsiga Somaliland oo waliba noqday Honorka Ardaydaas ka qalin jabiyey Jaamacadaas Kampala University  ama mutaystay abaalmarinta dahabka Waxa kale oo ardaydaa ka mid ahaa Maxamed Maxamuud (Ilkacase) iyo Shukri Guuleed iyo kuwo kale aanan xusin .

Ugu danbayntii waxaan hambalyo aad iyo aad qaaliya u dirayaa   ardayda Somaliland gaar  ahaan kuwa wadanka joogay oo muujiyey dedaal aad iyo aad u fiican oo kor u qaaday karaamadii iyo sumcada Somaliland guulo waawayna ku soo gunaanaday qaybtaas masterydka,waxaan alle u baryeyna in Alle ka ku anfaco aqoontaas ay korodhsadeen.

Alla-Mahadleh

Farxaan Maxamed Jaamac

E-mail- Farxaan776@hotmail.com

Tell :+2522 4441131