Taliyaha Ciidamada Qaranka oo sheegay in dagaalka Buuhoodle ay qayb ka yihiin kooxo Al-shabaab ah

Buhoodle-(Berberanews)- Taliyaha Guud ee Ciidmada Qaranka Somaliland Jeneral Maxamed Xasan Cabdillaahi (Jidhif), ayaa xalay shaaca ka qaaday inay si buuxda gacanta ugu hayaan magaalada Buuhoodle oo shalay ay iskaga horyimaadeen kooxo uu ku sheegay inay Argagixiso, isla markaana waxa uu Taliyuhu sheegay inuu laftiisu xalay ku sugnaa Buuhoodle.

“Anigu waxaan u tegay inaan soo kormeero Ciidamada qaranka Somaliland ee saddexda Gobal ee Togdheer, Sool iyo Sanaag. Haddii aan ku horeeyo….waxaan ku horeeyay jiiddaas maalintii Jimcaha ee bisha 13-keedii. Waxa Ciidamada Qaranka Somalialnd ee jiidda hore ee Buuhoodle lagu soo garaacay Madaafiic, waxana lagu sii waday illaa iyo Sabtidii oo markaa dulqaadkii uu dhamaaday oo aniguna waxaan marayay jiiddaas.” Sdaa waxa yidhi Jeneraal Jidhif oo xalay u waramayay Idaacadda Radio Hargeysa. Jananka oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa ku daray, “Markaa waxaan Ciidamada amar ku siiyay inay soo eegaan bal waxan Madaafiicda ku soo garaacaya oo sidaas ayaanu Buuhoodle ku tagnay oo waxa lay sheegay Odayaasha Talleex ku shiraya inay Ciidamo soo direen. Markaa anaku dee Buuhoodle waa Somaliland oo shacabkeeduna waa Somaliland oo anaku wax dhibaato ah maanu geysan oo magaaladii ayaanu caadi u galay oo iyagu way nala dagaalameen oo niman fidmo-walayaal oo uu soo diray Cali Khaliif Galeyd ayay ahaayeen, sidaas ayay wax u dhaceen oo immika magaaladii waa caadi oo isu socodkiina waa caadi. Ganacsigii magaaladu way shidan yahay oo Ciidankii waxay degan yihiin Xeryihii Siyaad Bare halkaas ka samyeeyay oo wax dhibaato ah oo anaga iyo shacabka reer Buuhoodle na dhex-yaalaa ma jiro oo immikana waxaan ku suganahay Buuhoodle.”

“Waxaanu isku daynay kooxaha Al-shabaab inay noo soo baxaan anaga oo shacabka dhawrayna, wayna noo soo baxeen oo firdhadkoodii waxa uu dhaafay Buuhoodle oo waxay kala tageen Dharkan-geeye iyo Xamar-lagu-xidh oo sidaad la socotaan Madaxweynuhu waxa uu fidiyay gogal-Nabadeed oo maanu dooneen in gogoshaasi burburto oo waxaanu hubinaynay cadawga Buuhoodle ku dhex-jira ee qasaaya ee ay ka mid yihiin nimanka Taleex ku shiraya oo immikana Ciidamadii waxay degen yihiin xerooyinkii Ciidamadii hore ee Soomaaliya, magaaladuna waa caadi. Waxaanu haynaa 6 nin oo daaqado naga soo toogtay, saddex taangina waanu gubnay iyo tigniko kale.” Ayuu hadalkiisa raaciyay Jananka Ciidamada Qaranka Somaliland.

Dhanka kale, Wasiirka Warfaafinta Somaliland Md. Maxamed Cabdi Xaabsade oo ka hadlay dagaalka shalay ka dhacay Buuhoodle, ayaa hadalkiisa ku bilaabay, “Maleeshiyaad yar-yar oo ciidanka qaranka soo tuur-tuurayay ayaa keentay in saaka (shalay) ay Ciidamada Somaliland ay galaan markii ay ka dayn waayeen, markaa Maleeshiyaadkii yaraa way ka baxeen magaaladii oo waxa qabsaday Ciidankii Somaliland.” “Ciidamadda Somaliland ilaa iyo immika waxaanu haynaa waxa weeye 4 Askari oo ku dhaawacmay oo mid ayaa khatar ah, saddexda kale waa dhaawacyo yar-yar oo Ciiddanku waxa uu qabsaday Taangi, laba Taangina wuu gubay oo iyaga ayaa immika gacanta ku haya magaalada Buuhoodle.” Ayuu yidhi Wasiir Xaabsade.

“Ciidamadu cid ay waxyeelo gaadhsiiyeen ma jiro oo waxaanu ku nidhi, ‘suga Nabada oo wax dhibaato ah oo ay gaysteen ma jiraan,” ayuu hadalkiisa raaciyay. “Waxaanu leenahay Nabadu Nin walba waa u dan ee iska daaya colaada oo dagaalka joojiya oo Ciidamadu waxba idinma yeelayaan haddii idinku aad nabadgalyada ilaalisaan oo waxaad leedihiin xoolo iyo baayacmushtar ayaa tihiin ee iska daaya dagaalka waxa idin tarimaayo aan dhib ahayn.” Sidaas ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta Somaliland Md. Axmed Cabdi Xaabsade.

Xigasho Wargeyska Ogaal.