Dawladda Jabuuti oo lagu eedeeyey inay Culimo Tabliiqiyiin ah ku laysay Muqdisho iyo jawaabta ay ka bixisay

Jabuuti-(Berberanews)- Dawlada Jabuuti ayaa si kulul u beenisay eedeeyn maalmo ka hor ciidankeeda jooga magaalada Muqdisho u soo jeedisay  Xarakada Al-shabaab oo aheyd iney ka qeyb qaateen duqeyn xoogan oo loo geystay masaajidka Al-Hidaaya oo ku yaala degmada Heliwaa ee Muqdisho  habeenimadii sabtida aheyd ee la soo dhaafay.

War-saxaafadeed maanta ka soo baxay safaarada Jabuut ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegtay in aanay ciidankeedu wax duqeyn ah ka geysan masjid Heliwaa ee magaalada Muqdisho oo bilowgii todobaadkan duqeyn culusu loogu geystay, isla markaana kooxda Al Shabaab oo sheegtay in ciidanka nabad ilaalinta ee dalka Jabuuti ka qaybqaateen.

“Dawlada Jabuuti waxaa ka jooga magaalada Muqdisho ciidamo Hordhac ah oo aan qeyb ka aheyn howlgalada socda, kuna howlan sahminta iyo diyaarinta goobaha ay degi lahaayeen ciidamada kale ee ku soo wajahan Somalia” ayaa lagu yidhi war saxaaafadeedkaas ka soo baxay safaarada Jabuuti ee magaalada Muqdisho.

Qoraalkan ay ku beeninayso dawlada Jabuuti inay ciidamadeedu ka qaybgaleen duqeynta Masjidka Al Hidiyaa, oo sii socda waxa lagu yidhi “Ujeedada laga leeyahay eedeeynta noocaas ah waa in sumcada looga dilo, meel ka dhacna ku ah ciidamada Jabuuti ee Somalia u yimid iney taageeraan dowlada KMG Somalia iyo shacabka Soomaliyeed, iyagoo la kaashanaya ciidamada xooga dalka Soomaaliyed iyo kuwa AMISOM, waana mid raqiis ah oo la doonayo in naceyb looga dhex abuuro labada shacab ee Somalia iyo Jabuuti hase ahatee nasiib wanaag shacabka soomaaliyed wey ka dheregsan yihiin arimahaas weyna ka war qabaan walaaltinimada reer jabuuti ay u hayaan”.

Maalmo ka hor ayaa Shiikh Maxamed Abuu Cabdiraxmaan oo ah waaliga Xarakada Al-shabaab ee gobolka Banaadir waxaa uu ku eedeeyey ciidamada Jabuuti ee jooga magaalada Muqdisho iney madaafiic ku garaaceen masaajidka Al-hidaaya ee magaalada Muqdisho sabtidii la soo dhaafay xili uu dagaal ka socday duleedka degmada Kaaraan, halkaasoo ay ku dhinteen qaar ka mid ah culimada loo yaqaanio Tabliiqa ee ku caan baxay faafinta shareecada Islaamka.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.