Shabakadda Wikileaks oo fashilisay siro uu Maraykanka siin jiray Maxamed Cumar Carte

Nairobi- (Berberanews/Wikileaks)- Shabakadda ku caan-baxday faafinta siraha dawladaha reer galbeedka ee Wikileaks, ayaa fashilisay siro uu si qarsoodi ah dawladda Maraykanka u sii jiray Maxamed Cumar Carte waqtigii uu ka tirsanaa dawladdii Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin.

 Mr. Maxamed Cumar Carte Qaalib oo caasimadda Hargeysa kaga dhawaaqay shalay urur-siyaasadeed uu gadhwadeen ka yahay oo la yidhaa DAMAL, xogaha Wikleaks faafisay waxa uu siin jiray dawladda Maraykanka xilligii uu ahaa la-taliyaha arrimaha siyaasadda Wasaaradda Daakhiliga Somaliland, kuwaasoo uu si joogto ah qarsoodi ugu gudbin jiray Safaaradda Maraykanku ku leeyahay dalka Kenya oo uu ahaa il-wareed muhiim ah.

 Xogaha Wikleaks fashilisay ee Mr. Carte qarsoodiga u siin jiray shisheeyaha oo nuqullo ka mid ah Jamhuuriya helay waxay la xidhiidhaan warbixinno iyo siro uu ka bixiyey dawladdii Daahir Rayaale Kaahin ee uu la shaqayn jiray.

 Sida Wikileaks fashiliyey kulan 12 December 2009 dhexmaray qunsulka arrimaha Soomaalida u qaabilsan safaaradda Maraykanka ee magaalada Nairobi Mr. Bob Patterson iyo Maxamed Cumar Carte oo waqtigaas ahaa la-taliyaha dhinaca siyaasadda ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland oo uu wasiir ka ahaa Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro), ayuu Mr. Carte ku bixiyey xogo badan oo la xidhiidha

 Madaxweyne Rayaale iyo shaqsiyaadka maamulkiisii ka tirsanaa ee aadka ugu dhowaa, xilligaas oo u beegnaa markii murannada culus ka taagnaayeen qabsoomidda doorashadii Madaxtooyada ee aakhirkii dalka ka dhacday 26 June 2010.

 Qunsulka arrimaha Soomaalida u qaabilsan safaaradda Maraykanka ee magaalada Nairobi Mr. Bob Patterson sida warbixin uu kulankaas ka diyaariyey ku sheegay in Maxamed Cumar Carte yahay shaqsi muddo dheer macluumadka siin jiray safaaradda Maraykanka ee Nairobi, isla markaana lagu kalsoonaan karo xogaha uu bixiyo.

 “Safaaraddu muddo dheer ayey Maxamed Cumar Carte xidhiidh la lahayd, wararkiisuna waa looga qaateen, maadaama uu aad ugu dhow yahay wasiirka arrimaha gudaha ee awoodda leh (wasiirkii hore ee daakhiliga Cabdillaahi Cirro),” ayuu yidhi qunsulka arrimaha Soomaaliya u qaabilsan safaaradda Maraykanka ee Nairobi sida lagu sheegay warbixinta Wikileaks faafiyey.

 Xogaha Mr. Maxamed Cumar Carte siin jiray Maraykanka ee uu ka bixin jiray dawladdii Rayaale uu la shaqayn jiray, waxa ka mid ah inuu Daahir Rayaale samaynayo wax kastoo uu talada dalka ku haysanayo, sidoo kalena aannu doonayn inay doorashooyin dhacaan, isaga oo xusay in sida qudha ee Rayaale loogu khasbi karo qabashada doorasho ay tahay iyadoo cunaqabatayn iyo xayiraad la saaro shaqsiyaad qoyskiisa ka mid ah iyo masuuliyiin dawladdiisa ka tirsanaa oo aad ugu dhowaa, kuwaasoo uu tilmaamay inay Madaxweynihii hore ee Somaliland ku caadaadin karayeen inuu doorasho qabto.

 Waxa uu Maxamed Cumar Carte xogaas bixin jiray isagoo ah sarkaal sare oo dawladda xil u haya, isagoon haba yaraatee marnaba talooyinka uu Maraykanka ka siin jiray xaaladda dalka marna u soo bandhigin shacabka Somaliland.

 La soco cadadka Jamhuuriya ee berri magacyada shaqsiyaad dawladdii Rayaale ka tirsanaa ee uu Maxamed Cumar Carte xogahooda u gudbiyey dawladda Maraykanka si xayiraad iyo cuno-qabatayn loo saaro……la soco

Xigasho Jamhuuriya