Kabtankii Xulka Kubada Cagta Ee Gobolka Togdhheer U Ciyaari Jiray Sanadihii Sideetanaadkii Oo laga wareystay Ciyaarihii dhawaan dhex maray Gobolada Somaliland

Hargeysa, December 27, 2011, (Berbera News) – Kabtankii Xulkii Kubada Cagata ee Gobolka Togdheer u safan jiray Sanadihii Sedeetanaadkii Aniis Cabdilaahi Ciise oo waqtigan ku nool Cariga Mareykanka ayaa ku hambalyeeyey Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland iyo Cidii kale ee kala qayb qaadatay howshii tartanka Ciyaaraihii Gobolada Somaliland ee dhawaan ku qabsoomay Garoonka Alamzey ee Magaalada Madaxda Gobolka Togdheer ee Burco, Aniis oo waraysi khaas ah siiyey Weriyaha BBC-da u jooga Washington DC ayaa jwaabtiisa kowaad waxa ku bilaabayaa sidan;

“Mudo ayaanay dhicin ciyaarihii Goboladu Markaa Wasiirkan Da’da yar iyo Maamulkuba sida fiican ee ay u qabteen howsha Ciyaaraha Gobolda aadbaan ugu hambalyeynayaa, anagoo runtii halkan (Cariga Mareykanka) ka daawanaynay Ciyaaraha dhexmarayay Gobolada Somaliland inkasta oo Waqtigu kala duwanaa oo anaga xagayaga ay ku beegnayd 7:00 Subaxnimo waxaan leeyahay si fiican ayay u dhaceen Ciyaaruhu Burcona si wanaagsan ayay u qaabishay Marti gelin fiicana runtii wey samaysay oo arimo lagu xaman jiray reer burco ayaa jiray oo dhagaxbay tuuraan ayaa la yidhaahdaa taasina ma dhicin runtii jawi fiicana wey ku bilaabmeen si wanaagsana wey ku dhamaadeen howshaas iyo sida loo agaasimayeyba waxaan ku hambalyeynayaa Masuuliyiintii howshaas ciyaaraha gacanta ku haysay oo uu ugu horeeyo Wasiirka Ciyaaraha iyo Dhalinyaraduisaga iyo ragii howshaas lawadayba waxaan leeyahay hambalyo halkaana kasii wada, inkasta oo gobolkii aan u Ciyaari Jiray (Togdheer) isaga uu judhiiba ladiray oo aanan taas jeclaysan oo aan ka xumahay sida looga badiyey iyo goolasha laga dhaliyey iyo weliba habka loo soo xulay dhalinta ku ciyaaraysay Magaca Wey nee Gobolka Togdheer taasna aan ku dhaliilayo Maamulkii howshaas hayey oo aan leeyahay waa in wax laga bedelaa.

Aniis Cabdilaahi Ciise isaga oo ka jawaabaya su’aal kale oo uu weriyuhu weydiiyey kuna saabsanayd ciyaartii aragtidiisa ugu xiisaha badnayd intii ay socdeen Ciyaaraha Gobolada Somaliland ku dhexmarayay Garoonka Alamzey ee Magaalada Burco waxa uu yidhi “ciyaartii ugu danbaysay ee ay finalka isugu soo baxeen Gobolada Howd iyo Maroodi Jeex taas oo aan si gaar ah ugu Hambalyeynayo Ciyaartooga Gobolka Howd heerka ay soo gaadheen maadaama oo Gobolka howd yahay Gobol Curdin ah marka loo eego Gobolada kale waxaan kale oo iyagana aan halkan ka hambalyeynayaa dhalinyardii u ciyaarayay Gobolka Sool oo runtii muujiyey ciyaarwanaag aad u sareeya soona gaadhay heer wanaagsan (Semifinal) hadaan u soo nqdo jawaabta suaashaada guud ahaanba xiisa gaar ah ayay ii lahaayeen Ciyaaraha Goboladu taasna kolay dareen ahaan waxaan kala mid ahaa Bulshada Somaliland oo aan odhan karo Ciyaaraha Sanadkani wey uga duwanaayeen kuwii sanadihii ka horeeyey waxase jirta ciyaartii kama danbaysta ahayd ee dhexmartay Howd iyo Maroodi jeex ayaan odhan karaa aniga aragtidayda taas oo ciyaartowga Labada Gobolba aanay kala dhaceyn dhinaca Ciyaarta sideedabana hadaad aragto laba kooxood oo ku kala badiya Hal Gool waxa halkaa aad ka garanaysaa in labadaa Team ahaayeen kuwo is celiya runtii ciyaartaas ayaa ahayd mid aan aad ula dhacay, waxaana iiga muuqanaysay in ay labadaa Kooxood (Xulka Maroodi Jeex iyo Xulka Howd) ahaayeen kuwo si gaar ah isha isugu hayey oo Teamwaliba ka kale Goddaloolooyinkiisa la socday ciyaarihii hore usoo dhexmaray markaa iyado kooxwaliba maanka ku haysa halka ay kooxda kale u nugushahay ay garoonka ku kulmeen.

Aniis isaga oo ka jawaabaya su’aal ahayd faraqa u dhexeeya dhalinyarada Maanta Ciyaaraysa iyo Kooxihii hore ee uu kamid ka ahaa waxa uu yidhi “Walaahi markaan isbarbar dhigo marka ugu horeysa da’ ahaan isku gedo ayaanu ahayn oo anaguba xiligaas aanu ciyaaraynay waxaanu ahayn 18 jir iyo 19 jirro laakiin waxaad moodaa in aanu anagu ka koranany jidh ahaan iyo akhlaaq ahaanba sababtoo ah anaga xiligiyagii hadaan soo qaato waxa kooxdadayada lagu xereyn jiray Dusiga Boodhanka ah ee sheikh halkaas oo aanu ku qaadan jiray tababar waxaan xasuusnahay in maalin walba aanu oror kaga dhaadhici jiray Dowga sheikh kagana soo bixi jiray waxaan dhicin ayay ahayd in ciyaartoygu feedh iska daaye uu weji qalafsan ku eego Garsooraha laakiin dhalinta waqtigan dhinaca anshaxa aadbay ugu hooseeyaan oo waxaaba dhacday in ay garsoorihii feedhaan waxa kaloo jirta xiligayagii wax balwad ah maanu lahayn mid iyo laba ayaa laga heli jiray wax sigaarka caba qaad hadalkiisaba daa maantase waxa laga yaabaa in inanka gelinka danbe Ciyaarta u safanaa inuu gelinkii hore Jabaneeyey, muuqaalkoodu marka la barbardhigo kooxihii waqtigayagii faraqweyn ayaa noo dhexeeya inkasta oo la yidhaahdo Jiilba jiilkii ka horeeyey ayaa soomaalida ka waaweynaa hadaanay arintu sidaas ahayn waxay iigu muuqanayeen Niman tafeeno yaryar oo aan lahayn dhismihii jidh ahaan lagu yaqaanay Ciyaartoga.

 Berberanews.com

Email,info@berberanews.com