Jaaliyadda Somaliland ee Norway oo Hambalyo U diraysa Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen

Marka hore salaam sharaf badan, waxaannu hambalyo  u diraynaa dhamaan umadda Somaliland meekasta oo ay joogaan, waxaan kaloo hamablyo u diraynaa  Umadda bahwadaaga ee Xisbiga UDUB .
Sida aad dhamaan la wada socotaan  Xisbiga UDUB waa xisbigii Udub dhaxaadka Somaliland markaa waxaa loo baahan yahay in uu xisbiga yeesho hogaamiye aqoon iyo waayo aragnimo leh mid maamul iyo mid siyaasadeed leh,  Islamarkaana waxaa aad u fiican in la helo waji cusub oo runtii ka iibsami kara dadwaynaha Somaliland.
Markii aanu eeknay dhamaan musharaxiinta ku tartamaya jagadaasi in ay yihiin dhamaan xubnihii xilalkala duwan ka soo qabtay Dowaldii UDUB. Sidaas darted loo baahan yahay  wajiyo cusub oo qabta hogaanka Xisbiga UDUB si loo miro dhaliyo guusaha  Xisbiga iyo guud ahaan guusha Somaliland.
Sidaas darted, hadii aanu nahay dadwaynaha taageera Xisbiga UDUB ee  dagan wadanka norway garhaan laanta udub, waxa aynu  si fiican u soo dhawaynaynaa  uguna hambalyayanaynaa Musharaxa Gudoomiyaha cusub ee Jamaal Cali Xuseen  ee xisbiga UDUB, waxa aynu   si sharaf leh kaga codsanayanaa dhamaan xildhibanada golaha dhaxe ee UDUB in ay soo dhawayeen  Musharaaxsi kaasi oo  waxwayn ku soo kordin kara  Xisbiga UDUB iyo Wadanka Somaliland,hadaba anagoo ah aqoonyahanada iyo waxgaradka tageera udub ee reer norway waxanu tagero aan la so koobi karin u haynana musharaxa dadyar.
 
1,mustafe abdi laahi hussein
2,abdi rahman hassan jaamac
3,ahmed caraale mouse
4,mubarig gaagaale
5,ahmed nour mohamed
6,goulet hassan yafan
7,awal cali asad
8,abdi hakiim ahmed mohamed
9,mustafe hassan dawaare
10,siciiid mohamed amiin
11,abdi rahmaan hussein maygaag
12,ismaciil cali uurbariisle(maano)
13,sucaad abdi laahi mouse
14,nasra hussein cadhoole
15,mahdi cismaan suuqsade
16,khadar mouse mohamed (hayle)
by siciid mohamed amiii