Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye iyo wefti uu hoggaaminayo oo u xadhko-xidhan Martiqaad ay ka heleen xisbiga Shuuciga dalka China

Hargeysa-15,Dec,2011-(Berberanews)- Guddoomiyaha Xisbi-xaakimka Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ka tirsan xisbiga, ayaa u xadhko-xidhan safar ay  Jimcaha maalinta beri ugu kicitimayaan dalka Shiinaha.

Weftiga Kulmiye, ayaa martiqaad rasmiya ka helay xisbiga Shuuciga ah ee ka taliya Jamhuuriyadda Shiinaha, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Xisbiga Kulmiye oo uu ku saxeesanyahay Afhayeenka Kulmiye Xasan Siciid Yuusuf, waxay weftigu maalinta beri ah ka dhoofi doonaan Madaarka Hargeysa.

War-saxaafadeedkaas oo lagu faahfaahiyay nuxurka ujeedada safarlka weftiga iyo mudada ay maqnaan doonaan, ayaa u qornaa sidan;

“Wefti ka socda Xisbi-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee Kulmiye, ayaa maalinta Jimcaha ee taariikhdu tahay 16,Decemebre, 2011 socdaal ugu kicitimaya Dalka Jamhuuriyadda Shiinaha.

Weftiga Xisbiga Kulmiye waxa hoggaaminaya Guddoomiyaha xisbiga, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa kale oo xubnaha weftiga ka mid ah Masuulliyiin sar sare oo ka tirsan Golaha Fulinta ee xisbiga Kulmiye, oo ay ka mid yihiin; Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo ah  Afhayeenka xisbiga iyo Mudane Axmed Cabdi Xuseen oo ah xidhiidhiyaha hawlaha xisbiga.

Socdaalka weftiga Kulmiye  ku tegayo dalka Shiinaha waxa uu ku saabsanyahay martiqaad rasmiya oo hoggaanka sare ee xisbiga talada haya Dawladda Jamhuuriyadda Shiinaha uu ku casuumay hoggaanka xisbiga Kulmiye.

Sida u qorshaysan mudada socdaalka weftigu ku maqnaan doono dalka Shiinaha waa muddo hal todobaad ah.

Masuulliyiinta xisbiga Kulmiye mudada ay booqashada ku joogaan Dalka Shiinaha waxay la kulmi doonaan madax sare oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriyadda Shiinaha.

Labada dhinac waxay yeelan doonaan wadahadalo ku saabsan xidhiidhka iskaashi iyo wax wadaqabsi oo dhexmari doona labada xisbi xaakim ee labada Jamhuuriyadood,  Shiinaha iyo Somaliland.

Waxa kale, oo weftiga Xisbiga Kulmiye la kulmi doonaan masuulliyiin ka tirsan Xukuumadda Shiinaha iyo madaxda qaar ka mid ah Shirkadaha gabacsi ee Shiinaha iyo kambaniyada caanka ku ah maalgashiga debedda.”

Berberanews.com

Hargeysa, Somaliland

Email, info@info@berberanews.com