Maraykanka oo si rasmiya uga baxay Pakistan, xidhiidhka laba dal oo xumaaday iyo Islamabad oo ku hanjabtay inay toogan doonto diyaaradaha Maraykanka

Pakistan-12,Dec,2011-(Berberanews)-Sarkaal sare oo ka tirsan Milateriga Pakistan, ayaa Telefiishanka Maraykanka ee US television network axaddii shalay u sheegay ciidammada wadankiisu toogan doonaan diyaarad kasta oo Maraykanku leeyahay oo soo gasha xuduudda Pakistan. Taasoo ka dhalatay go’aankii dalka Pakistan muddo 15 cisho ah u qabtay Maraykanku inuu ka baxo dhulkooda, ka dib duqayn NATO ku dishay 24 askari oo ku sugnaa xuduudka Pakistan la leeyahay Afganistan.

 

Dalwadda Maraykanku waxay axaddii todobaadkan saldhig cirka ah oo ay ku lahayd gobolka Balochistan ee Pakistan, ka dib markii Islamad u qabatay mudo 15 maalmood ah inay kaga baxaan, wax yar ka dib duqayntii NATO ku dishay askarta Pakistan, waxaanay duullimaadyadaasi.

Sida ay xaqiijiyeen saraakiil Maraykanka ah, joogitaankii ciidammada Maraykanka ee Pakistan waxay soo gebogebaysay axaddii todobaadkan oo diyaaraddii u danbaysay oo ka mid ah sagaal diyaaradood oo Maeaykanka ka joogay saldhigooda cirka gobolka Balochistan ka qaaday shakhsiyaadkii iyo qalabkii ugu danbeeyay ee soo afjaray go’aanka Pakistan ku eriday.

Dawladda Pakistan waxay daboolka ka qaaday inay sii wadayso xannibaadii ay saartay marinnada saadka iyo gargaarka kala duwan u mara ciidammada isbahaysiga NATO ee hawlgalada ka wada dalka Afganistan.

Raysal-wasaaraha Pakistan Yousuf Raza Gilani, oo maanta u waramay BBC-da, ayaa sheegay inuu dalkiisu todobaadyo kale sii wadi doono cunaqabatayntii ay ku soo rogeen marinnada saadka iyo ciidammada ee NATO dalkiisa marin jirtay, ka dib markii ciidammada cirka NATO duqayn ay bishii hore ka fuliyeen xuduudka labada dal ku dileen 24 askari oo ka tirsan ciidanka Pakistan, taasoo dhalisay in dalkiisu xidhi dhammaan marinnada NATO, iyadoo Pakistan tallaabadaas ku tilmaantay mid si ula kac ah u dhacday.

Boqollaal koontiinaro iyo booyado shiidaal ayaa la soo sheegayaa inay ku xannibanyihiin xuduudka Pakistan la leeyahay Afganistan, kuwaasoo dhibaato weyn ku ah hawlgallada NATO ka wado dalka Afganistan oo dagaal ba’an kula jirta kooxda dagaalka jabhadaynta ah kula jirta ee Daalibaan, iyadoo cabsi xoog leh laga qabo cawaaqib aan laga soo waaqsan oo la soo dersa ciidammada NATO ee ku sugan Afganistan, haddii aanay Pakistan ka noqon go’aankeeda.

Berberanews.com

Email, info@Berberanews.com