Saddex Haween ah oo ku guulaystay biladda Nabadda adduunka ee sanadka 2011 oo la guddoonsiiyay abaalmarin

10,Dec,2011-(Berberanews)- Haweenayda Madaxweynaha ka ah dalka ee Liberia Ellen Johnson Sirleaf iyo Leymah Gbowee iyo Tawakul oo u dhashay dalka Yemen,una dhaqdhaqaaqa xoriyadda ayaa ku guulaystay billadda Nabadda adduunka ee sanadka 2012 oo ay bixiso Guddida Nople Peace Price.

Saddexdan haween ayaa ku mutaystay dagaal ay la galleen cadaallad darada, kelitalisnimmada iyo xad-gudubka dumarka ee dalalka Liberia iyo Yemen, kuwaasoo munaasiba lagu guddoonsiiyay bilad-sharafeedyada loogu sammeeyay caasimadda Norwey ee Oslo.

 

Guddoomiyaha Guddida bixisa Billada Nabadda Adduunka, Thorbjoern Jagland, ayaa sheegay in saddexda haweenka ahi ay la yimaadeen halgan ay u sammeeyeen ‘Xuquuqda aadamanimmo guud ahaan iyo sinnaanshaha dumarka, gaar ahaan nabadda.

 Guddoomiyaha Guddida Nople Peace Price waxa uuu sheegay in biladdu digniin u tahay keli-taliyayaasha wadammada ay ka mid yihiin Yemen iyo Syria.“Hoggaamiyayaasha Yemen iyo Syria oo shacabkooda laayay si ay awooda ugu nagaadaan waa inay maanka ku hayaan inaan la joojin Karin dalabka aadamaha ee xoriyadda iyo xuquuqda bilow-aadamka.”

.

Berberanews.com

Email, info@berberanews.com