Halkan ka dhegayso shir jaraa’id oo ay saaka qabteen Guddida Diiwaangelinta Ururada siyaasadda Somaliland

Hargeysa-(Berberanews)- Guddiga Diiwaangelinta Ururrada siyaasadda ee cusub iyo ansixinta Xisbiyada Somaliland, ayaa maanta shaaca ka qaaday inaanay Ururrada is-shaaciyey ee la diiwaangeliyey iyo kuwa aan la diiwaangelin midna bilaabi Karin wax olole ama wax dhaqdhaqaaq siyaasadeed ah oo ay ka sameeyaan gobollada iyo degmooyinka dalka.

Guddiga diiwaangelinta Ururrada siyaasadda iyo ansixinta Xisbiyada oo saaka shir Jaraa’id ku qabtay Xafiiskooda magaalada Hargeysa, waxay sheegeen, in Ururrada cusub looga baahan yahay buuxinta shuruudo door ah oo lagu xidhay, isla markaana saddex marxaladood oo ay sharci ahaan marayaan tii koobaad lagu jiro.

[audio:http://www.berberanews.com/wp-content/uploads/2011/11/Guddida-Diiwaangelinta2.mp3|titles=Guddida Diiwaangelinta2]