Meherkii Qarniga iyo midhihii halganka

Hargeysa, 27.Nov.2011-(Berberanews)- Waxa shalay magaaladda Hargeysa lagu qabtay Mehe kulmiyay Akhyaar Hawl iyo Halgan dheer u soo martay Somaliland, hal-doorka siyaasiyiinta Dalka oo isugu jiray Siyaasi, Guurti, Xildhibaan iyo masuuliyiin kala duwan oo xilal kala duwan ka haya Midhihii Halganka oo ay Ubaxii ka beermay Qoys Yagleeleen.]

Madasha kulankaasi ka dhacay waxay ahayd mid ka mid ah Hoolalka waaweyn ee Huteelka Maan-soor ee Hargeysa Hoodaale 1 kaasoo bar kulan u noqday dhamaan inta magac iyo muuq is-bida eek u nool Somaliland. Hadafka loo soo Ururayna waxa uu ahaa Maamuusida Meherka Ubad Aabayaashood ku suntan yihiin Halgankii SNM ee Dalka lagu xoreeyay oo kala ah Boqor Mustafe Maxamed Aadan (Mujaahid Gacma-dheere) iyo Hodan Mujaahid Muuse Biixi Cabdi.

Meherkan oo ahaa mid lagu Xer-geeyay waayo waayo iyo xusuuso dadka intooda badani ay iloobeen ama aanay garanaynba intii Kacaantay dabadeed oo aynu odhan karno Qoyska loo kulmay laftooda ayaa ka mid ah intii hano-qaaday ayaa lagu furay Farxad, Qosol, Xusuus iyo Indho-doogsi, waxaana intii aan loo holan isku-hibayntooda Sooyaalkii Taariikheed ee Qoyska la Aasaasay Aabayaashood soo mareen ka sheekeeyay Oday Maxamed Cabdi Arabay, C/raxmaan Aw Cali Faarax iyo Oday X Cabdi Xuseen Cabdi Waraabe.

 May ahayn mid lagu soo koobi karo Qoraal hase yeeshee waxay Odayaashaasi Qoyska la yagleelay iyo Somaliland-ba u soo jeediyeen in uu Meherkani ka mid yahay Guulihii ka dhashay Waayihii qadhaadhaa ee la soo maray isla markaana loo baahan yahay in la wada ilaashado.



 Sh Maxamed Sh Cumar Dirir oo ka mid ah Culimada magaca ku leh Somaliland oo Madasha Boqorku fadhiyay ka muuqday sida dhaqanka Somaliyeed yahay oo marka la isku yimaado ay isku arkaan Odayada labada dhinac iyo Markhaatiyayaashu ayaa Kitaabkii ula kala baxay waxaanu Meher iskugu jiiday Boqor Mustafe iyo Boqord Hodan iyadoo intii goob-jooga u ahayd munaasibadaasina Duco ku xoojisay.



Waxaan la Hilmaami Karin oo madasha dhaayahooda ku daawanayay Labeentii Dhalinyarada Somaliland ee aan odhan karno waxay ahaayeen inta ay isku Filka yihiin boqorka iyo boqorada xafladda loo qabtay oo looga baahan yahay inay inta ka danbaysa u jeexaan Guur xalaal ah. Si mustaqbal fiican ay u helaan.



Isku soo duuboo madasha Meherku ka dhacay waxa lagu soo af-meeray dhaqan aan hore loo arag gaar ahaana waxa caado noqotay Odayada labada dhinac inay kala yaacaan marka Meherku dhamaado ee Gabaatiga iyo yaradka la kala qaato hase yeeshee waxay ahayd mid aad moodo Ul iyo Diirkeed in la isku ahaa oo mar kaliya la soo wada dareeray.