Guddiga doorashooyinka Somaliland oo soo dhaweeyey go’aanka ah in diiwaangelin la’aan lagu galo doorashada golayaasha deegaanka iyo waxay ku sababeeyeen

Hargeysa-(Berberanews)- Guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa maanta shaaca ka qaaday inay soo dhawaynayaan go’aankii Mudanayaasha Golaha Wakiilladu ku ansixiyeen in doorashada golayaasha deegaanka bisha afraad ee sannadka 2012 lagu galo diiwaan-gelin la’aan, ka dib markii ay laaleen diiwaangelintii codbixiyayaasha ee lagu galay doorashadii madaxtinnimada 26 June 2010.

Afhayeenka Guddiga doorashooyinka Somaliland Maxamed Axmed Xirsi (Geelle) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Guddigaas ee magaalada Hargeysa, ayaa shaaca ka qaaday inay dhammaystireen hannaankii doorashooyinka golayaasha deegaanka Somliland. “Annagu Guddi ahaan waxaannu ku shaqaynaa wax la isku waafaqsan yahay oo aanu khilaaf ka taagnayn, ee annagu cid ma qasbi karno. Waxaana go’aanku yahay oo uu xattaa Madaxweynuhu noo caddeeyey inaan doorashadu  dib u dhac ku iman.” Sidaa ayuu yidhi Afhayeenka Guddiga Doorashooyinka Somaliland Maxamed Axmed Xirsi (Geelle).

 

Waxa uu sheegay Afhayeen Geelle in laga maarmi waayey in doorashada golayaasha deegaanka lagu galo diiwaangelin la’aan maaddaama oo diiwaangelintii codbixiyayaasha Somaliland ee lagu galay doorashadii Madaxtooyada ay lahayd qaladaad badan oo xal loo arkay in doorashadaa lagu galo, ka dib markii khilaaf ba’an oo siyaadeed ka dhashay murankeeda, isla markaana ay ugu yaraan laba wiil oo dhalinyaro ahi ku dhinteen muddaharaadyo shacabka iyo Xisbiyada mucaaridka ahi ku diiddanaayeen laalistii diiwaangelinta wakhtigaas ee ay ku dhawaaqday Xukuumaddii Daahir Rayaale.

Afhayeenka Guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland waxa kale oo uu sheegay inay Guddi ahaan iyo dalalka Somaliland ka taageera doorashooyinku ay dejiyeen qorshe cusub oo lagu diiwaangelin doono dadweynaha reer Somaliland, isla markaana socon doona muddo afar sannadood ah, kaasoo uu sheegay inaan lagu xidhi Karin in doorashooyinka lagu galo, maaddaama oo aan loo baahnayn, dadweynuhuna hore u naceen muddo kordhin loo sameeyo gole wakhtigiisii sharciga ahaa ee la soo doortay dhammaaday. Sidaa daraaddeed, waxa uu xusay in dhawaan la qiimaynayo tayada qalabka Guddiga doorashooyinku hayaan si qaar kale loo keeno haddii uu noqdo qalab hawlgab ah haddii kale oo tayada qalabkaasi fiicnaatana wax lagu diiwaangelin doono.

“Markaa qorshahaasi wax doorasho lagu xidhi karo maaha. Sidaa daraaddeed, waxay arrintu noqotay in diiwaangelin la galo iyo in diiwaangelin la’aan lagu galo doorashada golayaasha deegaanka. Markaa, waxay noqotay inaan diiwaangelin cusub laga gaadhsiin Karin wakhtiga oo kooban awgii.” ayuu yidhi Afhayeenku.

Maxamed Xirsi Geelle, waxa uu sheegay in haddii doorashada lagu gali lahaa diiwaangelintii hore oo la sameeyey 2008 ay noqonayso in meel lagaga dhaco xuquuqda shan da’ood oo maanta xaq u leh inay codeeyaan oo ay wax doortaan, isaga oo xusay in Dastoorka Somaliland muhiimad weyn siiyey ilaalinta Xuquuqda qofka muwaaddinka ah. “Shan da’ood baa ka maqan diiwaangelintii hore oo la sameeyey 2008, dadkii aan qaan-gaadhka ahayn 2008, waxay qaan-gaadh noqdeen 2009, kuwii 2010, kuwa 2011 iyo kuwa inta ka hadhay bisha 4-aad ee sannadka 2012- oo doorashadu ku beegan tahay qaan-gaadhka noqonaya, markaa shantaa da’ood xaq dastoori ah oo aan la dafiri Karin bay leeyihiin oo Qaranku masuul uga yahay. Sidaa daraaddeed, waxaannu door-bidnay in diiwaangelin la’aan doorashada golayaasha deegaanka lagu galo.” Sidaa ayuu yidhi Afhayeenka Guddiga doorashooyinka Somaliland Mr. Geelle.

Afhayeenku waxa uu sheegay inay aad ugu rejo weyn yihiin inay doorashada golayaasha deegaanku aanay ka dib dhicin qabsoomiddeedu bisha April ee 2012-ka. Waxaanu xusay inay diyaar u yihiin hawlihii Guddi ahaan looga baahnaa iyo dhaqaalihii doorashadaa lagu gali lahaa oo uu tilmaamay in 85%-kiiba ay bixiyaan Waddammada qaadhaan-bixiyayaasha ee Somaliland ka taageera arrimaha doorashooyinku.

Afhayeenku waxa uu sheegay in afar doorasho oo Somaliland ka dhacay lagu soo galay diiwaangelin la’aan, sidaa awgeedna uu rejaynayo inay tanina sidii kuwaasi nabadgalyada ugu qabsoomeen ay nabadgeliyo iyo degganaansho ku qabsoonto.

Maxamed Xirsi Geelle oo si gaar ah ula hadlaya dhalinyarada wakhtiga doorashada waxa uu yidhi; “Sidaa awgeed, tanina inay degganaansho innagu qabsoonto ayaannu ku rejo weynahay, waxaanannu dhalinyarada ka codsanaynaa oo aan u soo jeedinayaa sidaa xuquuqdooda muwaaddinnimo looga shaqaynayo inay iyaguna degganaanshaha iyo inaanay laba jeer codayn ay ku dedaalaan oo nagula shaqeeyaan.”

Hadalkan Afhayeenka Guddiga Doorashooyinka ayaa yimi maalin ka dib markii shalay Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland Cabdillaahi Cukuse, sheegay inay Xukuumaddu soo dhawaynayso, isla markaana ku shaqaynayso go’aanka ay Mudanayaasha Golaha Wakiilladu Arbacadii toddobaadkii hore ku laaleen diiwaangelintii hore, isla markaana ku ansixiyeen in diiwaangelin la’aan lagu galo doorashada golayaasha deegaanka.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.