Warbixin Hay’adda Quwada Atoomikadda IAEA ka soo saartay Qaddiyadda Nuclearka Iran iyo jAhmed-najaad oo si kulul uga jawaabay

Vieana-(Berberanews)- Hay’adda Quwadda Atoomikadda adduunka u qaabilsan Qaramadda Midoobay IAEA, ayaa shalay warbixin 13 boga oo ay ka soo saartay qadiyadda nuclearka Iran waxay ku sheegtay in qaybo ka mid ah kobcinta Nuclearka Iran qorshihiisu yahay in sifo nabadgelyo looga faa’iidaysto, halka qayb kale oo warbixintu xustay inay si gaari salka ku hayso ujeedooyin dhinaca Milateriga.

IAEA waxay sheegtay inay heshay cadaymo muujinaya Iran inay dhammaystirtay tijaabooyin qaraxyada aadka u sarreeya iyo hirgelinta qaabka isku-xidhka Kommbuyuutarka iyo madaxdayada gantaalaha Nuclearka. Waxa kale oo warbixinta lagu faafiyay inay Iran ku hawlantahay horumarinta sidii Gantaalaheeda ridada dhexe ee Shahab-III loo saari lahaa madaxdyada Nuclearka.

 

Sidoo kale, waxay warbixintu ku eedaysay Iran inay bilowday bacrimin hoose oo ay ku sammaynayso macdanta uranium oo ay ka wado dhulka hoostiisa oo ay u addeegsanayso cilmi-baadhista Nuclearka.

Madaxweynaha Dalka Iran Mahmoud Ahmadinejad, ayaa maanta jawaab uu ka bixiyay eedaha ka soo yeedhay Hay’adda IAEA oo uu ku timaamay mid garabsiinaysa eedaha macno darada ah ee maraykanku u jeediyo, isagoo intaas raaciyay inaan dalkiisu dib uga laaban doonin barnaamijka Nulcearka, islamarkaana adduunka lagu marin habaabiyay in dalkiisu sammaysanayo hubka Nuclearka.

“Qaranka Iran hal Bit dib ugama laaban doono dariiqa uu ku socdo. Qaranka reer Iran waa mid dareen iyo caqli badan. Uma sammaysan doonto laba bam oo ay kaga soo horjeedo 20,000 ee bamka Nuclearka aad haysataan [dalalka galbeedka].” Sidaa waxa yidhi Madaxweynaha Iran Mahmoud Ahmadinejad oo la hadlayay kumannaan shacabka dalkiisa oo maanta isugu soo baxay badhtamaha Tehran.

Berberanews.com

Email, info@berberanews.com