Ardayda Jaamacadda Makerere ee Dalka Uganda oo ku guulaystay sammaynat gaadhi ku shaqaynaya koronto

Uganda-(Berberanews)- Ardeyda qeybta culuunta sayniska ee Jaamacadda Makerere ee dalka Uganda ayaa ku guuleystey inay sameeyaan gaadhi ku socda quwadda korontada. Gaarigasi ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee noociisa ah ee lagu sameeeyo Uganda.

Ku xigeenka madaxa jaamacadda Makerere Prof Tickodi Togboa ayaa sheegey in gaadhigan cusub ee la tijaabiyey loogu talagaley inuu qaado laba ruux, yadoo mashruuca sameyntiisana ay leedahay kuliyadda handasada, naqshadeynta, iyo tiknoloojiyadda ee jaamcadda . Waxaa qorshaha xiga ee mustaqbalka uu yahay buu yidhi Mr Togboa “sameynta bas qaadi kara ilaa 36 ruux.”

“waxaan mar walba maanka ku hayney inaan muujino inaan awood u leenahay fulinta mashruuc noocan oo kale ah oo dhanka sayniska iyo tiknolojiyadda la xiriira. Mashruucan kadib waxaan hirgelin doonaa gaari qaada ilaa 7 ruux ilaa aan ka gaadhno sameynya bas qaadi kara 36 ruux. Waxaana markaa kadib ka dhigi doona mashruucan mid ganacsi ahaan jaamacaddu ugu shaqeysato” ayuu yidhi Prof Togboa.

Gaadhigan cusub ee ku shaqeeya quawadda korontada ee ay sameysey jaamacadda Makerere oo ka mid ah jaamacadaha ugu faca weyn Afrika iyo gobolka Bariga Afrika waxaa loogu magaca darey Kiira EV, umana baahna wax shidaal ah. Lugaha hore ee gaadhigan ayaa leh awood dhan 18 waxa loo yaqaan Horse Power, waxaana uu saacadiiba ku socdaa xawli gaadhaya ilaa 60 km.

Ku xigeenka madaxa jaamacadda waxaa uu isagoo sharaxaya gaadhigan cusub uu sheegey in xawligiisa la kordhin doona lana gaarsiin doono ilaa 80 km saacadiiba, hase yeeshee gaadhiga kan xiga ee loogu talagaley inuu qaado ilaa 7 ruux ayaa waxaa uu adeegsan doonaa quwadda korontada iyo tan qoraxda, waxaana uu xawligiisa saacadiiba jari doonaa masaafo dhan 200 km.

Waxaa uu ka gaabsadey inuu faahfaahin ka bixiyo kharashka ku baxay cilmi baadhista iyo ugu dambeyn sameynta gaadhigan, inkastoo uu sheegey in qorshahan uu soo socdey tan iyo sannadkii 2009ka isla markaana isku xidhka gaadhiga la hirgeliyey bishii April ee sannadkan.
Gaadhigan ayaa sida saraakiisha jaamacadda sheegayaan waxaa birta loo adeegsadey sameyntiisa intiisa badan laga soo saarey gudaha Uganda, kaas oo ah mid aad u xooggan isla markaana gaadhaya heerarka caalamiga ee sameynta gawaadhida.

Mashruucan sameynta gawaadhida ee ay bilowdey jaamacadda Makerere, qeybteeda sayniska iyo tiknoloojiyadda waxaa uu qeyb ka yahay barnaamijyo dhowr ah oo gaadhaya ilaa 20 oo jaamacadda ay hirgelineyso kuwaas oo uu maalgelinayo xafiiska madaxweynaha ugu qaabilsan horumarinta tiknoloojiyadda iyo culuunta sayniska.

Dowladda ayaa ilaa 25 billion oo shilinka Uganda waxay ugu talagashey in kuliyadda Engineerinka ee Makerere u adeegsato amaba ku maalgeliso cilmi baadhista dhanka tiknolojiyadda shanta sanno ee soo socota.
Waa markii labaad ee ardeyda jaamacadda Makerere iyo bareyaashoodaba ay soo saaraan gawaadhi qiimo jaban ah. Sannadkii 2008da ayaa qaar ka mid ah ardeyda Makarere wax ka barata waxay qeyb ka ahaayeen sameynta naqshadda gaadhi aan tamar badan adeegsan oo markii dambe lagu soo bandhigey bandhigga World Design Capital ee magaalada Torino ee dalka Talyaaniga.
Sources BBC