Somaliland: Dal Xuddun u noqday kiimikada sumaysan, dhoy la’aanta Hay’adda Tayada iyo dhayalsiga dhibaatooyinka Caafimaad daro ee ka dhalan kara

Prof: Cabdi Xuseen Maraykan

Wasakhda Kiimikadu waxay ka samaysantahay hadhaadiga kiimikooyin waxyeelo leh oo inta badan ay soo saaraan wershada waaweyn ee dalalka horumaray, kuwaasoo wax-soo-saarkooda ka hor laga saxeexo shuruuc caalamiya iyo kuwo dalalkooda ah, kuna saabsan sida ay u maarayn doonaan hadhaadiga kiimiyooyinka suntan ah oo halis ku ah nolosha dadka, haddii aan laga basrin.

Qaar ka mid ah wershadahaasi waxay si qarsoodi ah dhaqaale badan ugu bixiyaan sidii looga fogayn lahaa wasakhda hadhaadiga kimikooyinka suntan ah ee ay u isticmaalaan wax-soo-saarkooda, iyagoo kooxo calooshooda u shaqaystayaala u adeegsada fulinta qorshayaashoosa, kuwaasoo iyaguna qaab qarsoodi ah ugu daadiya dalalka aanay dawlaha adagi ka jirin amma aan awood u lahayn ilaalinta bedka xeebahooda.

Somaliland oo aan aqoonsi caalamiya haysani, waxay ka mid tahay goobaha sida tuugada ah loogu soo daadiyo wasakhda kiimikooyinka suntan ah, maadaama aanay awood dhaqaale u saamaxayn sugitaanka baddeeda oo aad u dheer iyo qalab u suurtagelin inay kula socoto dhaqdhaqaaqyadda baddeda iyo hawadaba, sidaa daraadeed shaki kuma jiro in dalkeenu badhtimaameed u yahay khashin-qubka kimikada sunta ah ee hadhaaga wasakhda warshadaha dalalka horumary.

Goobo ku yaal Somaliland oo ay ka mid yihiin libaaxaley oo ka tirsan degmada boon ee gobolka awdal, balligubadle, ceel afwayn, laasqoray iyo Lughayaha waxa lagu arkay foostooyin dahaadhan oo ay ku jiraan waxyaabo dadka deegaanku garan waayeen waxay yihiin, balse ka mid ah sunta sida joogtada ah loo soo xawillo Somaliland oo ay cirka diyaarado ka soo tuuraan qoor habeenimmo ah. Taasoo la rumaysanyahay inay ku jiraan hadhaadiga kiimikooyinka suntan ah ee dhibaatada caafimaad daro ku keeni kara aadamaha.

Waxa jira sifo kale, oo kiimikooyinka suntan ahi ku soo galaan dalkeena; taasoo ah inoogu yimaada iyaga oo ku lifaaqan cuntooyinka iyo dawooyinka, caafimaad darro ah oo aynu ku soo iibsano lacag adag, cudurna ku abuuri kara dadka. Haddii aynu tusaale u soo qaadano kiimikooyinkaas waxa ka mid ah, ku-dara-yaasha cuntada {food additives} si ay midabo ugu samayso, dhadhan hagaajin iyo mid lagu daro cuntada qasacadaysan si ay u kaydiso wakhti badan {preservative}.

baadhis cilmiyaysan oo lagu sammeeyay ku-dara-yaasha cuntada (food additives) waxaa lagu ogaaday in qaaar badan oo ka mid ah ay xanbaaarsan yihiin 3cudur oo kala ah xiiq(asthma) cancer iyo qalqaalinimo {hyperactivity}.

Liiska ku darayaasha khatarta ah (dangerous additives). walxahaas waxaa lagu arki karaa, xanjada iyo nacnaca caruurtu isticmaalaan, chips ka iyo kuwa qasacadaysan, loona baahanyahay in ganacsatada wax soo dejisa lagala taliyo inay ka fogaadaan liiska ku darayaasha khatarta ah oo ay iska kaashadaan wasaarada ganacsiga iyo Hay’ada ilaalinta tayada. Halkan waxaan ku soo gudbinayaa qaar ka mid ah ku-darayaasha khatarta ah (dangerous additives).

Code number Name of additives

102&E102 Tartrazine {food color}

104&104 Quinoline yellow{food color}

107&107 yellow2g{food color}

132&132 indiyo carmine {food color}

210&210 Benzoic acid {preservative}

321&321 Butylated hydroxyaninsole{BHA synthetic antioxidant}

620&625 MSG monosodium glatimate {flour enhancers}

905&905,a,b,c paraffin and Vaseline white, mineral oil {solvents, coating} and glazing anti forming against hubricantin chasing gums}

Si looga badbaado sunta ku burqanaysa dalka waa in xukuumadu daba gal ku samaysa cida ku soo tuuraysa walxaha aan la garanayn iyo waxa ay yihiin, waa in xukuumadu ka yeelataa siyaasad cad mowqif adag oo arintaa ku saabsan. Si loo xoojiyo ha’yada tayada oo shaqadeeda la dhaafiyo raashin dhacay, laguna hago shaqadeeda dhabta ah. Waayo raashin dhacay waxaa ka khater badan ku aan dhicin hase yeeshee sumaysan amma xanbaarsan walxo caafimaaddaro sababi kara.

Waxaan dhawaan dhagaystay warbixin ay soo bandhigeen gudida joogtada ah ee golaha wakiiladu qirayna in dalkeenu noqday qashin qubka, waxa ay soo jeediyeen silooga hortago aafadaas, in hay’ada tayadu heshaa mashiin baadha cuntada, arinkaasi wuxuu la mid yahay adiga oo yidhaahda cisbitaalka hargaysa wuxuu u baahan yahay mashiin cudurka baadha. Ma jiro mashiin cudurka baadhaa ee waxaa jira, mashiin lagu sawiro feedhaha {x-ray}, tusaale ahaan iyo mashiin dhiiga iyo kaadida kala sifeeya oo loo yaqaan {kidney dialysis}. Mashiinadaas waxay u baahan yihiin farsamayaqaanadii ku shaqayn lahaa iyo dhakhaatiir {qualified doctors } akhriyi kara isla markaana tarjumi kara natiijada mashiinku soo saaray.

Sidaas oo kale hay’ada ilaalinta tayada waxay u baahan tahay

1. Quality control laboratory

2. Gas chromatography

3. High performance liquid chromatography

4. Farsamo yaqaano aqoon u leh cilimiga kimistariga {laboratory Technicians} Oo loo tababaro dariiqooyinka la mariyo saambalka cunta ah, {food samples} inta aan lagu mudin mashiinada kor ku xusan, lana baro sida uu u adeegsan karo.

5. Aqoon yahan kimikaad {analytical chemist}, akhri kara islamarkaana tarjimikara natiijada mashiinku soo saaray

6. Aqoon yahan {microbiologist}

7. Microscope .

8. Mashiino kale oo yaryar oo biyaha, caanaha iyo malabka lagu eegi karo.

Maxaa la samaynayaa inta la helaayo mashiinada iyo inta la diyaarinayo farsamo yaqaanada? Inkasta oo aynaan ahayn dal la aqoonsanyahay, haddana adduunka aynu maanta ku noolahaywaa tuulo layska warhayo oo aynu siwanaagsan uga faa’iidaysan karno. tusaale ahaan adduunku cuntooyin badan oo ay ogaadeen in ay sun xanbaarsan yihiin ayay iska mamnuuceen sida kuwa aan kor ku xusay oo kale, inagana waxa inala gudboon inaynu dalkeena ka mamnuucno agabka ay ku jiraan kiimikooyinka khatarta xambaarsan, si joogto ahna ula socona isbedelka adduunka oo aynu la jaanqaadno, si mujtamaceenu uga badbaado xannuuno.

Prof: Cabdi Xuseen Maraykan {flosy}

Hargeysa, Somaliland