31-qof oo ku dhintay Rabshadaha Dalka Suuriya

Dimishiq, (Berberanews.com/W/Wararka) 31-qof oo isugu jira ciidamada milatariga dalka Suuriya iyo dad rayid ah ayaa ku dhintay iska hor imaadyo maanta, ku dhex maray ciidamada ammaanka iyo askar ka goostay oo iska soo hor jeeda qaar ka mid ah magaalooyinka dalkaas.

Kooxaha Xuquuqda aadamaha u ololeeya ee dalka Suuriya ayaa warbaahinta u u sheegay, in dadka dhintay ay isugu jiraan 14-qof oo Shicib ah iyo 17-Askari oo milatariga dalkaas ka tirsan.
Sida wararku sheegayaan weerarada maanta ayaa intooda badan ay fuliyeen kooxo ka goostay ciidamada milatariga dalkaas oo weerar ku qaaday saldhig ciidan oo ku yaala degaanka Gobolka Adlib ee waqooyiga dalkaas, halkaas oo ay 8-Askari ku dileen. Sidoo kale Magaalada Ximis oo iyadu xarun u ah kacdoonka lagaga soo hor jeedo madaxweynaha dalka Suuriya Bashaar Al Asad ayaa wararka ka iminayaa sheegayaan in subaxnimadii hore ee maanta lagu dilay 7-qof oo rayid ah.

Waxa kale oo isla magaalada Ximis wararka laga helayaa muujinayaan in dhimasho iyo dhaawac mar kale ka dhashay dagaal dhex maray koox ciidamo gadooday ah iyo milatariga dalkaas, taas oo guud ahaan tirada dhinacyada dalkaas kaga dhintay qul qulatooyinka maanta ka dhigaysa 31-qof isugaynta guud.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 2900-qof ku dhinteen kacdoonada bishii lixaad ka socda dalka Suuriya.
Geesta kale Madaxweynaha dalka Suuriya Bashaar Al Asad ayaa mar kale ku celiyay in xukuumadiisu sii wadayso hir galinta is badal dhab ah oo dalkaas ka dhaca.
Faysal Maxamed Xasan
Reporter Berberanews.com
Email: daralla066@gmail.com