Madaxweynaha Dalka Yemen oo daboolka ka qaaday inuu xilka ka degayo maalmaha soo socda

Yemen-(Berberanews)- Madaxweynaha dalka Yemen Cali Cabdalle Saalax, ayaa ku dhawaaqay maanta oo sabti ah 08/10/2011 inuu ka degi doono xilka maalmaha soo socda, ka dib mudaharaadyo rabshado oo muddo sagaal billood ah ay wadaan kooxaha ka soo horjeeda xukunkiisa 33 ka sanno.

“Waan necebahay xukunka, waanan sii wadi doonaa nacaybkiisa, waxaan xukunka ka degi doonaa maalmaha soo socda..” sidaa waxa yidhi Madaxweynaha dalka Yemen Salax oo ka hadlay telefiishanka qaranka.

.Madaxweyne Saalx waxa uu taageerayaashiisa kula dardaarmay inay ku adkaystaan fikirkooda, lagana yaabo buu yidhi taasi inay dhibaato ku keeni karto.

Go’aanka Madaxweynaha Yemen ku dhawaaqay, ayaa la rajaynayaa inuu soo afjari doono qalalaasihii iyo rabshadihii sagaalak billood ka socday Yemen oo ay dad badani ku naf waayeen, boqollaal kale oo uu ku jiro madaxweynaha laftiisa dhaawacyo ka soo gaadheen, iyadoo Madaxweyne Salax dhaawaciisa loola cararay dalka Sucuudida oo in muddo ah lagu soo dawaynayay.

Berberanews.com

Email, info@berberanews.com