Qadaafi oo Fariin Cod ah Shacbiga Libya Ugu baaqay Mudaharaadyo, Madaxda Dunida 3aad-na Digniin u diray

Dimishiq, (Berberanews.com/Reuters)- Hogaamiyihii xukunka laga tuuray ee dalka libya Colonel Mucaamar Al Qadaafi ayaa fariin cod ah oo uu soo diray, shacbiga dalkiisa kaga codsaday inay sameeyaan mudaharaadyo waaweyn isugu soo baxaan jidadka dalkaas, kuna muujiyaan wax uu ugu yeedhay xaalada qalafsan ee ka taagan dalka Libya oo aan loo dul qaadan karin, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Fariin cod ah oo Telefishanka iyo Raadiyowga Al-Rayi ee xaruntiisu tahay caasimadda dalka Suuriya, laga baahiyay isla markaana la xusay in Qadaafi soo diray khamiistii shalay, ayaa ahayd mid xanbaarsan codsi ku jahaysan shacbiga Libya iyo digniin uu u dirayay dal kasta oo golaha ku-meel gaadhka ah ee dalkaas hogaamiya uu kula hadlayay.

Qadaafi oo la hadlaya madaxda dalalka soo koraya, gaar ahaan kuwa aqoonsiga u fidiyay golaha ku-meel gaadhka ee talada kala wareegay ayaa sheegay, in mid walba gole iyo maamul reer Galbeedku taageeraan laga garab samayn doono, ka dibna si sharci daro ah xukunka looga tuuri doono, oo dariiqiisi mid la mid ah ay mari doonaan.

Hadalkan codka ah ee Qadaafi soo diray oo aanu Telefishanka Al-Rayi si dhamaystiran u baahin ayaa la sheegay in qaybaha ka hadhsan la sii dayn doono jimcaha, hasa yeeshee waxa ay fariinta Qadaafi xambaarsanayd digniin uu u diyaro, hogaamiyayaasha dunida sadexaad ee aqoonsaday golaha ku-meel gaadhka Libya iyo shacbiga dalkiisa oo uu ka codsanayo inay mudaharaadyo diidma ah kala hor tagaan maamulka cusub ee hogaanka dalkaas la wareegay.

Hadaladii Qadaafi ee Al-Rayi sii daayay waxaa ka mid ahaa, “Soo baxa, geesinimo muujiya, malaayiin ugu soo baxa jidadka, noqda kuwo aan geerida ka baqan, cadeeya in Libya xaalada ay ku jirtaa tahay mid aan loo dul qaadan karin, kor u qaada calanka cagaaran oo waddo kasta sudha oo ka lula.”

Qadaafi waxa uu su’aalo ka keenay sababaha dunidu ku aqoonsatay, Golaha ku-meel gaadhka ah iyo cida dooratay ee ay matalaan, waxaana hadaladiisi ka mid ahaa, “Maxaad ku aqoonsateen? Ayay matalaan? Siday ku noqdeen hogaanka dalka Libya? Ma shacbiga Libya ayaa doortay? Ma dadka reer Libya ayaa go’aansaday inay u taliyaan? cid kasta oo taageerta iyo dawlad kasta oo aqoonsataa, ha u diyaar garowdo in laga garab dhiso, gole ku-meel gaadh, oo sharciyadooda iyo halkooda lagu badalo.

Inkastoo aan si cad loo ogayn goobta rasmi ahaan uu ku sugan yahay, hogaamiyihii hore ee dalka Libya Colonel Mucaamar Al Qadaafi, haddana laga soo bilaabo 23-kii August markii uu ka cararay caasimadda dalkaas ee Tripoli isha qudha ee caalamku kala socdo ama ka maqlo codka Qadaafi waxa uu ahaa fariimo cod ah oo laga baahiyo, telefishanka iyo Idaacada Al-Rayi ee dalka Suuriya xaruntiisu tahay, oo 20-kii bishii September 2011-ka ay ugu danbaysay fariin cod ah oo uu soo diray, hasa yeeshee tan ugu danbaysay waxa ay muujinaysaa in wax badani iska badaleen, hadalka iyo codsiyada Qadaafi oo uu imika aad ugu dhow yahay inuu runta waajaho.

Si kastaba ha ahaatee Fariintan Qadaafi ayaa ku soo beegmaysa xili dagaal qadhaadhi ka socdo magaalada Sirta oo ah halka Qadaafi dhalasho ahaan ka soo jeedo, xoogaga ugu badan ee taageersanina ku sii hadhsan yihiin.

Faysal Maxamed Xasan

Reporter Berberanews.com

Email: daralla066@gmail.com