Aasaasihii Shirkada Apple Steve J Oo Geeriyooday

California, (Berberanews.com/W/Wararka)- Aasaasihii shirkada qalabka Electronic-ka ee Apple Steve Paul Jobs ayaa maanta geeriyooday, ka dib markii xanuunka Kansalka uu sanado dhawr ah la il darnaa. Steve Paul Jobs waxa uu ku dhashay magaalada San Francisco, bishii February 24, 1955, waxaa iska dhalay lamaane Jaamacadda ku rafiiqay oo aan meher isku qabin, kuwaas oo ka soo kala jeeday, Maraykan iyo Suuriya. Aabihii Cabdi Fataax Gandla wuxuu dhalashadiisi ka dib, u gacan galiyay qoys reer California ah oo lagu magacaabo Paul iyo Clara Jobs kuwaas oo damaanad qaaday nolosha wiilkaas yar.Aabaha dhalay ninkan oo ah ruux muslim ah, waxa uu asal ahaan ka soo jeeday deegaanka Ximis ee dalka Suuriya, waxaanu isagoo ka hadlaya sababta uu u guursan waayay hooyadii u dhashay wiilkan, uu sheegay in aabeheed oo ahaa nin Maraykan isla wayn ahii u diiday, oo uu u ku wargaliyay in aanu inantiisa siinayn nin Muslim ah oo waliba caraba, ka dibna uu go’aansaday in qoyskaasi u koriyaan.

Si kastaba qoyskaasi ha ku kala tagaane, waxa ay taasi dhaxal siisay in wiilkoodi ka dhaxal wareego, oo abtirsiimo kale yeesho, waxaanu tan iyo wakhtiiga ka dib, ab iyo isir ahaanba ka mid noqday qoyska reer Paul Jobs oo uu ilaa dhimashadiisi ku abtirsanayay. Ninkani sida caadiyan ku dhacda caruurta qoyskooda yaraanta ku kala irdhoobaan, ayuu noqday mid wax badan oo noloshiisa ah waayay, sida taariikhdiisa ku xusan, muu helin waxbarasho dhamaystiran oo ilaa heer jaamacadeed ah.
 
Markii uu dhamaystay dugsiga sare ayuu jaamacada galay, hasa yeeshee hal sano ka dib wuu ka baxay, oo muu dhamaystiran, ka dibna wuxuu bilaabay inuu lafihiisa u shaqaysto. Markii ugu horaysay ayuu ka shaqo galay shirkada HP ee farsamaysa qalabka Electronic-ga ah, halkaas oo uu sanad iyo badh ka shaqaynayay xarunteeda Palo Alto City. Wakhti yar ka dib wuxuu u dhoofay dalka Hindiya, waxaanu ka shaqo galay, shirkada ciyaaraha electronic-ga samaysa ee Atari Video Games, sanado ka dib ayuu Jobs ka soo noqday dalka Hindiya isagoo madaxu u dhukaran yahay, kuna labisan dharka cas cas ee ay qaataan dadka Buudhisamka loo yaqaano, taas oo wixii xiligaa ka danbeeyay uu noqday nin Hilibku ka xaaransan yahay, oo khudaarta kaliya cuna. 
 
Sanadkii 1976-kii ayuu Steve Jobs uu sameeyay meherad yar oo lagu iibsho Kaambuyuutarada, halkaas oo uu dhigtay 50-xabbo oo nin ay saaxiibo yihiin uu ku caawiyay. Wakhti yar ka dib wuxuu bilaabay inuu aasaaso shirkad loogu magac daray Apple taas oo ay si shirkad ah u wada samaysteen laba ruux oo ay saaxiibo ahaayeen. Laba sanadood ka dib wuxuu ikhtiraacay samaynta kaambuyuutar cusub, hasa yeeshee qiimaha farsamaynta kaambuyuutarka ugu horeeya oo aad u saraysay awgeed wuxuu taageero dhaqaale waydiistay nin reer California ah, kaas oo siiyay maalgalin dhan $ 250 kun oo dollarka Maraykanka ah.
 
Duruufo ad-adag ka dib wuxuu Steve Jobs ku guulaystay inuu u gudbo wajigii labaad ee Shirkadda Apple ee loogu magaca daray “Apple 2” waxaanu wajigan cusubi u noqday mid noloshiisa galiyay, yididiilo, horumar iyo badhaadhe. Wajiga labaad ee Apple wuxuu noqday mid dunida wax cusub ku soo kordhiya, waxa kale oo uu ahaa markii ugu horaysay ee suugyada caalamku tartan qalabka Electaroniga ah oo balaadhani ka bilaabmo, noocyadii cusbaa ee Apple waxay awood u yeesheen isla markaana soo bandhigeen, farsamo isku dhamaystiran oo aanay shirkadihii kale ee suuqyada haystay ka fikin, haddii ay ku tala galeena ka door bideen inay, u ganba, ganbeeyaan macaamiishooda suuqa.
 
Waxa bilaabay oo farsamadiisu dunida galisay kacaan cusub, hasa yeeshee halkaa kagamuu sii hadhin dedaalkiisi ee marba marka ka danbaysa ayuu aduunyada kaga yaabinayay, qaab cusub iyo farsamo tayadeedu sarayso, qalab fudud iyo aalado layaab noqday oo dadka qaar ku tilmaameen musixirnimo. Hasa yeeshee Steve Jobs guushii uu gaadhay may noqon mid kordhisa raaxada noloshiisa, waayo? Waxa haleelay cudurka halista ah ee Kansalka kaas oo noloshiisa la degay.
 
Ka hor intaanu dhiman ayaa duniddu si wayn ugu xasuusataa is casilaadii hogaanka sare ee shirkada uu kaga tagay, taas oo wixii xigay ee la maqlaa ahayd geeridiisi shalay. Dad badan oo dunida ka caan ah ayaa tacsiyadeeyay ninkan, waxaana ka mid ah, madaxweynayaasha Maraykanka, Ruushka, Faransiiska, Ingiriiska iyo madaxa shirkada Microsoft Bill Gates.
 
Faysal Maxamed Xasan
Reporter Berberanews.com
Email: daralla066@gmail.com