Turkiga oo dalkiisa u qaadaya qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxii Muqdisho

 Somalia-(Berberanews)- Dalwadda Turkiga, ayaa ku dhawaaqsay inay dalkeeda u qaadayso 30 qof oo ka mid ah ku dhawaad boqol ku dhaawacmay qarax kooxda Al-shabaab shalay la beegsatay qaar ka mid ah wasaaradaha Muqdisho, si loogu soo daweeyo.
Sida ay sheegtay, Wakaalada Wararka ee dalka Turkegia ee Anatolia, Ra’iisala Wasaaraha Turkigu iyo Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa  ku heshiiyeen in dadka ku dhawaacmay qaraxii Muqdisho, dalka Turkiga loo qaado oo halkaas lagu soo dhaweeyo.

 
Ra’iisal Wasaaraha Turkigu Recep Tayyip Erdogan, waxaa uu telefoon u diray Madax-weyne Sharif Sheekh Ahmed, waxaanu uga tacasiyeeyay dadkii ku dhintay Qaraxii shalay ka dhacay magalaada Muqdisho ee ay dadka badani ku dhinteen.
 
Waxaanay Labada Hogaamiye isku af-garteen in 30 qof oo qaraxaas ku dhaawacmay loo qaado xagga dalka Turkiga oo halkaas lagu soo daweeyo, kuwaasoo diyaarad Turkigu leeyahay ka qaadi doono Muqdisho.
 
BBC