Muqdisho: Faahfaahinta Qarax xoogan oo lala beegsaday xarummo dawladdu leedahay iyo al-shabaab oo sheegatay

Muqdisho(Berberanews)- Qarax xoog badan oo ka dhacay xaruntii hore ee Harkaha iyo Saamaha ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku yaaliin  inta badan Wasaarado iyo Xarumo Badan Oo ah xafiisyada Dowlada KMG Soomaaliya.  Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Xiliga Uu Qaraxaasi

dhacay ay Xaruntaasi ka socdeen  Shirar ay ku jireen  dhamaan shaqaalihii Wasaaradaha dowlada ee ku yaalay halkaa  iyo Xunbno wasiiro ah.Waxa sii kordhaya khasaaraha lixaadka leh ee ka dhashay weerarkii Ismaadimanta  ahaa ee maanta duhurkii  ka dhacay goobtaa oo ahayd dhismihii  Harkaha iyo Saamaha ee magaalada Muqdisho  oo ay hadda degan yihiin  ilaa 8 wasaaradood, kuwaas  oo ku yaallay agagaarka KM4, wararka  goor danbe  soo baxay ayaa  sheegaya in  goobta la beegsaday  qaraxa ay ku sugnaayeen ku dhawaad waxkabadan 100  sarkaal oo ku jiray  tababarro dhinaca nabadsugida ah, kuwaas oo loo qorsheeyay  in dibadda loogu qaado.

sidoo kale Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa xooggiisa uu gaadhay saraakiishaa iyo goobtii ay ku jireen, halkaas oo  ay xarumaha wasaaradaha qaarkood ku jireen wasiiro,  xildhibaano,  shaqaale ka hawlgala wasaaradahaa iyo arday goobta u timi inay ogaadaan natiijada Imtixaan laga qaaday, kuwaas oo loo diyaarinayay waxbarasho debeda ah. Qaar masuuliyiinta ku jiray xarumahaa ayaa la sheegay inay laba ka mid ah oo wasiiro ah dhaawacyo kala duwani soo gaadheen. Sidoo kale Ardayda ku sugnayd goobtaa ayaa ka mid ah dhimashada iyo dhawaacaba.
Sarkaal u hadlay nabadsugida Somalia ayaa sheegay inay hayaan mid ka mid ah dadkii qaraxaa fuliyay maydkiisa oo ay heleen Baasaboor Kenyan ah oo uu sitay, isagoo ku sheegay tirada dadka qaraxa sameeyay sadex qof oo watay gaadhi weyn oo gudaha u galay dhismahaa.

Qarax

Dhaawaca iyo dhimashada ayaa gaadhaya ilaa 200 qof, kuwaas wararka qaar sheegayaan in dhimashada ilaa hada tirada la hayaa gaadhay ku dhowaad 60 qof, iyadoo tiro boqol iyo dheeraad ah la geeyay cusbitaalada.   Maamulka Cusbitaalka Banaadir Dr. C/qaadir C/raxmaan Aadan oo gurmad sameeyay markii qaraxu dhacay ayaa sheegay in Dhaawaca iyo maydku ay  badnaayeen, balse ay iyagu halkaa kasoo qaadeen 21 qof oo dhintay oo ay hilibkooda isu ururiyeen    57 qof oo dhaawaca ayaanu keenay Cusbitaalka Banaadir 21 qof.

Sidoo kale Cusbitaalka Madiina oo ka mid  ah meelaha la geeyay dhaawac iyo dhimashada ayaa la geeyay  90 qof oo dhaawac kala duwani soo gaadhay , isla markaana  4 qof oo dhintay  la geeyay  cusbitaalka Madiina, balse Duniyo Cali Maxamed  oo ka mid ah hawlwadeenada cusbitaalka madiina ayaa sheegtay in dadka halkaa ku dhintay qaarkood ay maydadkooda qaateen dad ehelkooda ahaa markii ay garteen, isla markaana ay jiraan dad goobta ka fogaa oo dhaawacyo soo gaadheen. Sidaa awgeed aan tirada dhabta ah ee khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca la ogaan karin.  
Dhinaca kale Warsaxaafadeed ka soo baxay  xafiiska Warfaafinta ee Al-Shabaab wax yar ka dib qaraxaa ayaa lagu sheegay in howlgalka ay ku beegsadeen dhismahaasi iyo shaqsiyaadkii ku jiray, waxaana lagu sheegay warsaxaafadeedka in saraakiisha tababarka loo qaadayay ay ahaayeen qeyb ka mid ah bartilmaameedka howlgalka waxa ay ugu yeedheen Istishhaadiga.
Warar kale oo madax banaan ayaa sheegaya in saraakiisha tababarka loo qaadayay ay ahaayeen dufcadii labaad oo loo qorshaynayay  nabad sugidda, kuwaas oo  dibadda loogu qaadi lahaa DKMG ah.
Howlgalkan qaraxaa ee Al-shabaab ayaa kusoo beegmay, maalin ka dib markii  maamulka taagta daran ee Shariif Sh Axmed ay sheegeen inay ka guulaysteen kooxda Al-shabaab, isla markaana uu shalay booqday madaxweyne Shariif Degmooyin ka tirsan Magaalada Muqdisho oo ka mid ah meelaha ay Al-shabaab ka baxeen dhowaan.

Berberanews.com

Muqdisho,