Suuriya: Cutubyo Ka TirsanCiidamada Milatariga Dalkaas Oo Ku Biiray Kacdoonka Lagaga Soo Horjeedo Madaxweyne Asad

Dimishiq, 28 September 2011 (Berberanews.com/AP)- Xaalada dalka Suuriya oo si wayn maalmihii u danbeeyay isku bad badalaysay ayaa waji cusub yeelatay, ka dib markii cutubyo ka tirsan ciidamada milatariga ee dalkaasi si toos ah ugu biireen xoogaga kacdoonka, isla markaana si cadaan ah u muujiyeen inay ka baxeen ciidamada qalabka sida ee dalka Suuriya.

Inkastoo muddo lix bilood iyo dheeraad ah ay socdeen kacdoonada iyo mudaharaadyada lagaga soo hor jeedo madaxweynaha dalka Suuriya Mr. Bashaar Xaafid Al-Asad, haddana waxa muuqatay in ciidamada milatarigu si wayn isugu xidhan yihiin oo aan loo gali Karin, laakiin sida dadka arrimaha siyaasada dalalka kacdoonadu ka dhacaan ka faaloodaa sheegayaan, dilka iyo dhiiga badan ee ciidamadu daadinayaan waxa ay horseeday in cutubyo ka tirsan ciidamadu isaga baxaan oo xoogaga kacdoonka ku biiraan.
 
Dalka Suuriya oo kacdoono iyo dibad baxyo lagu diidan yahay xukuumada madaxweyne Asad ay ka socdeen, ku dhawaad sanad badhkii waxa si wayn u canbaareeyay dhamaan wadamada dunida, urur goboleedyada iyo hay’addaha dawliga ah, kuwaas oo ku eedeeyay madaxweyne Asad inuu xoog aad u sareeya u isticmaalayo dadka reer Suuriya ee isbadal doonka ah.
 
Dhinaca kale waxa jira xogo laga helayo safaarada Maraykanka ee magaalada Dimishiq oo sheegaya in dalkaasi ku sii dhawaanayo dagaal sokeeye, waxa kale oo socda dedaalo dalalka reer galbeedku ku doonayaan inay ku kala fur furan ciidamada dalkaas, si ay suura gal ugu noqoto in dalkaas fara galin lagu sameeyo.
 
Waxa kale oo jira cadaadis badan oo dalkaas kaga imanaya wadamada carabta iyo Turkiga oo lagu doonayo in dib u heshiisiin iyo is badal balaadhan ay ku taalabsato xukuumadda Madaxweyne Asad, isla markaana dadka u ogolaato inay mudaharaadyada iyo dibad baxyada nadab galyada ah si xor ah u sameeyaan.
 
 
Faysal Maxamed Xasan
Reporter Berberanews.com
Email: daralla066@gmail.com