Madaxdhaqameed ka soo Jeeda Gobolka Saaxil oo ku Dhawaaqay Shir-dhaqameed Beelahooda u Dhexeeya

 Hargeysa (Berberanews)- Madaxdhaqameed ka soo jeeda beelaha gobolka Saaxil (Ciise Muuse), ayaa ku dhawaaqay inay dabayaaqada bishan ku qabanayaan magaalada Berbera shir-dhaqameed u dhexeeya beelahooda.

Madaxdhaqameedkan oo isugu jiray cuqaal iyo odayaal iyagu hore u qaadacay shir-beeleed la doonayo in dhawaan lagu qabto tuulada Dubur ee degaanka Sheekh, waxay shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen huteelka Kaah ee magaalada Hargeysa shaaca kaga qaadeen in 27 bishan ay magaalada Berbera ku qabanayaan shir-dhaqameed dib loogu eegayo xeerarka iyo dhaqanka beelaha, kaas oo aanay ka qaybgeli doonin siyaasiyiinta iyo masuuliyiinta xilalka haysa.

Ugu horreyn Chief Caaqil Cumar Jaamac X Cilmi oo shirkaa jaraa’id ka hadlay, ayaa sheegay in shirka ay ku qabanayaan Berbera uu yahay mid la xidhiidha dib-u-eegida xeerarka dhaqanka iyo horumarinta gobolka, “Shirkayagu maaha mid siyaasadeed ee waa mid horumarineed iyo xeerarka iyo dhaqanka, kaas oo beesha Ciise Muuse danahooda kaga hadli doonto oo go’aamo ay ka soo saari doonto. Shirka dawlad iyo siyaasiyiini toona ka qaybgelimaayaan,” ayuu yidhi Caaqil Cumar.

Chief Caaqil Cumar Diiriye Yuusuf ayaa isna sheegay in shirka oo loo bixiyey dhaqan iyo horumar, waxaannu ugu baaqay guud ahaan madaxdhaqameedka iyo salaadiinta, ganacsatada iyo qurba-joogga inay ka qaybgalaan, maadaama lagaga hadlayo horumarinta gobolka.

“Shirkaasi waa mid nabagelyo oo wax lagu dhisayo ee waan wax lagu duminayn, sidaa daraadeed waxaannu dadweynaha ku abtirsada beesha ugu baaqay inay si niyad ah uga soo qaybgalaan, xukuumaddana haddii ay ta dhexe tahay iyo haddii gobolka tahayba sidaas ayaanu ula socosiinaynaa inuu yahay mid horumarineed iyo dhaqan,” ayuu yidhi Caaqil Cumar Diiriye.

Sidoo kale, Chief Caaqil Jaamac Caare Samatar oo isna halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay in shirkooda oo ay wakhtigan keentay baahi jirta uu socon doono buu yidhi, “Ilaa beeshu ka gaadhayso danteeda oo la wadi doono isagoo caafimaad qaba oo aan cidna lagu ceebaynayn, cidna lagu caayeyn.”

Waxa kale oo shrikaa jaraa’id ka hadlay Chief Caaqil Ismaaciil Muxumed X. Ibraahim iyo Chief Caaqil Maxamed Kaahin Cawaale, ayaa hadallo la mid ah kuwa cuqaasha hore oo la xidhiidha qabashada shir-dhaqameedka halkaasi ka sheegay, iyagoo tilmaamay in xeerarkii dhaqanka ee beelaha lagu maamuli jiray wakhtigan u muuqdaan qaar sii baa’baya, sidaa daraadeedna ay isla garteen in shirkan la qabto, waxaanay qaybaha kala duwan ee beesha ugu baaqeen inay ka qaybgalaan.

Berberanews.com

Hargeysa, Somaliland

Email, info@berberanews.com