Guddida Abaaraha Qaranka Somaliland oo shaaca ka qaaday Macaluul baahsan oo dalka ka jirta iyo baaq deg dega oo ay direen

Hargeysa-(Berberanews)- Guddida abaaraha qaranka Somaliland, ayaa shaaca ka qaaday in  in macaluul baahsani ay saamaysay dhamaan gobolada dalka, isla markaana loo baahan yahay in si deg-deg ah gargaar loola gaadho.

Guddida abaaraha qaranka Somaliland oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta Hay’ada ka hor taga masiibooyinka dabiiciga ah ee NERAD, ayaa ugu baaqay Hay’adaha qaramada midoobay iyo kuwa caalamiga ah ee ka shaqeeya caawimada in ay si deg-deg u caawiyaan dadkaas.

Shirkan jaraa’id ee ay guddida abaaruhu qabteen waxaa goob jog ka ahaa madaxwayne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Dr Sacad Cali Shire, Wasiirka Beeraha Faarax Cilmi Geedoole, Wasiirka diinta iyo awqaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, Guddoomiyaha Hay’ada Nerad Maxamed Muuse Cawaale saraakiil ka socday Hay’adaha qaramada midoobay oo ay ka mid ahaayeen UNICEF. 

Madaxweyne ku xigeenka oo shirkaas jaraa’id ka hadlay ayaa sharaxaad ka bixiyay asbaabaha wakhtigan ay uga hadleen abaaraha Somaliland, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Baaqan aanu ka soo jeedinayno dhibaatada maanta ka taagan Somalilnad sida aynu la wada socono maanta dhib adag ayaa ka taagan dalalka geeska Afrika oo aynu ka mid nahay haddii aynu nahay jamhuuriyada Somaliland, inkasta oo aynu roobkii gu’ga helnay qaybo ka mid ah, hadana sidii la rabay aanu roobka gu’gu inoo wada gaadhin, bishii hore ee dhmaatay badhtankeedii guddi ayaanu u dirnay lixda gobol ee Somaliland si aanu xog-ogaal ugu noqono dhibta jirta ha sii kala darnaato, hadana gobol walba si ay inta u daran u soo ogaadaan meel walba wixii ka jira haday xagga cuntada tahay, haday xagga biyaha tahay, haday xagga xoolaha oo ka baxay tahay. Guddidaasi waxay soo ururisay anaga oo og hay’ado ahaan in idinkuna aad ka hawl gasheen oo aad soo qiimayseen xogta dhabta ah dhamaan deegaanda Somaliland anaga qudhayada ka dawlad ahaan xilkii na saarnaa waxaanu u dirnay kooxahaasi si aanu u ogaano xog dhab ah, waxaa laga yaabaa xogtaasi in ay isku dhawaato ta aad idinkuna soo ururiseen maadaama labadeena qolaba aynu wax isku mid ah raadinaynay, ogtaasi waxaanu ku helnay xaqiiqada ah in laba boqol oo kun oo qoys oo dad reer Somaliland ah in ay dhibaatada abaartu taabatay , kuwaasi oo lagu qiyaasi karo dad laba milyan iyo laba boqol oo kun ah, iyada oo aanu u kala qaybinay sida ay gobolada dalku u sii kala dhibaato badan yihiin, Labadaasi milyan waxaa si deg-deg ah wax ugu sii baahan shan iyo todobaatan kun oo qoys oo ka mid ah.” 

Waxaanu intaas ku daray  “Dhibaatada jirtaa waxa weeyaan sida aad la socotaan shidaalkii caalamka oo kor u kacay, cuntooyinkii oo aad u qaaliyoobay, xoolihii oo dadkii ka dhamaaday oo ay awoodi waayeen in ay ka iibsamaan, dadkii oo daciifnimo badani ku dhacday waxay iibsanayeen oo ah cuntooyinkii oo aad u qaali garoobay taasi waxay keentay markaa in dad badan oo caruur u badan nafaqa daro ay ku dhacdo oo uu aad iyo aad ugu sareeyo gaar ahaan gobolada bariga iyo wixii buuralayda ka hooseeya ee xeebaha ah galbeed iyo bariba, guurd ahaan abaartaasi boqolkiiba shan iyo sodon (35%) ayay dhibaatadeedu taabatay dadwaynaha Somaliland.” 

Waxaa kale  oo uu Madaxweyne ku xigeenku  Hay’adaha Qaramada midoobay u soo jeediyay haddii aan abaarta iyo Somaliland ka jirta halka ay marayso aan lagaga hor tegin ay gaadhi doonto abaarta ku dhufatay  Somalia  waxaanu yidhi  “Waxa aanu maanta halkan u soo joogsanay in aanu idiinku dhawaaqno in deg-deg dhibaatadaa maanta taagan ee ah dhibaatadaa ay abaaruhu Somaliland kaga tegeen wax looga qabto si aan loo gaadhin macaluushaa maanta gaadhay qaybo ka mid ah Soomaaliya, haddii aan halka ay maanta joogto lagaga hor tegin ay dhici doonto in ay macaluushaasi gaadho heer aad u sareeya, taasina ay ceeb ku noqon doonto Hay’adaha qaramada midoobay ee u qaabilsan in ay ka dadka caawiyaan”

Berberanews.com

Hargeysa, Somaliland

Email, info@berberanews.com