Qaar ka mid ah Cuqaasha, Odayaasha iyo Waxgaradka beesha Ciise Muuse Bari oo Qaadacay Shir-beeleedka Dubur

Hargeysa (Berberanews)- Cuqaasha, odayaasha iyo Waxgaradka Beesha Ciise Muuse Bari ayaa shaaciyey in ay ka noqdeen qabashada shir-beeleed beryahanba la qabanqaabinayey oo la shaaciyey in 29 bishan uu ka qabsoomo tuulada Dubur ee Degmada Sheekh.

Shir ay maanta yeesheen madaxdhaqameedka, odayaasha iyo waxgaradka beesha Ciise Muuse bari waxay ku sheegen in kadib markii ay arkeen in aan shirka beeshu u dhammayn ay goosteen in la joojiyo shirkaasi.


War-saxaaradeed laga soo saaray kulankaasi oo ay ku saxeexan yihiin 18 xubnood oo isugu jira cuqaal iyo odayaal oo warkaasi lagu faahfaahiyey waxa uu qornaa sidan;

 

 “Kadib markii aanu galnay shirar lagu lafo-gurayay shirkii lagu baaqay ee Ciise Muuse ee lagu qaban lahaa Dubur ee degmada Sheekh ee Muddadiisa dib loo dhigay.

 

Mar labaad, waxaanu isla aragnay isla garanayna in shirka sidii lagu waday ka baaqsaday noqdayna shir aan qorshihii beeshu ugu talo-gashay waafaqsanayn, taasna ay nala aragtay beesha Ciise Muuse Galbeed, baaqna ay ka soo saareen, anaguna aanu baaqaa ku taageersanahay.

 

Haddaba, sababahaas dartood, waxaanu go’aansannay inaanu shirkaas joojinno markaanu aragnay inaan laysku waafaqsanyn. Cuqaasha, Odayaasha iyo wax-garadka beesha Ciise Muuse ay isku raacsan yihiin joojinta shirkaas.

 

Haddaba, waxaanu xukuumadda Somaliland u sheegaynaa inay qaadato go’aanka ka soo baxay cuqaasha iyo odayaasha beesha Ciise Muuse.

 

Waxaanu u sheegaynaa xukuumadda iyo cidaha ay khusaysaba inaan magaca beesha nin aan la igmani ku hadli karin, sidaasina ay waafaqsan tahay nabadgelyada, sharciga dhaqanka iyo ka Qaranka-ba.”

 

Xubnaha baaqa soo saaray ee Beesha Ciise Muuse Bari

 

    Chief-Caaqil Cumar Jaamac X. Cilmi

    Chief-Caaqil Cabdi Maxamed Siciid

    Chief-Caaqil Maxamed Kaahin Cawaale

    Chief-Caaqil Maxamed Cabdi Faarax

    Guddoomiyaha Awal Bari Cabdilaahi Maxamed Cabdiraxmaan

    Chief-Caaqil Axmed Ibraahim Il-bir

    Caaqil Sugaal Cabdilaahi Cajab

    Caaqil Cabdi Xirsi Dhuux-yare

    Caaqil Cali Yaasiin Maxamed

    Chief-Caaqil Xasan Shaqale Maxamuud

    Caaqil Cabdilaahi Cali Ismaaciil

    Caaqil Yuusuf Mire Cawaale

    Oday Jaamac Cabdi Ubaxle

    Caaqil Nuur Siciid Allaale

    Oday Axmed Maxamed Faarax

    Oday Sidiiq Axmed Galiixe

    Oday Keyse Cismaan Saleebaan

    Oday Axmed Cabdilaahi Maxamed

 

Baaqan ayaa ka dambeeyey kadib markii shalay mid la mid ah ay soo saareen madaxdhaqameedka, odayaasha, aqooyahanka iyo waxgaradka beesha Ciise Muuse galbeed oo ay ku diideen ka qaybgalka shirkaasi oo ay ku tilmaameen mid siyaasadeed.