Caadaysiga Bariiska Cad Waxa Laga Qaadaa Xanuunka Macaanka!

 
Berberanews:- bariiska oo ah cunto inta badan dadka ku nool dunida u ah cunto asaasi ah oo ay maalin walba cunaan badanaa, ayaa la sheegay hadana daraasad dhawaan la sameeyey in bariiska cad oo la badsado laga qaado xanuunka macaanka oo ah mid ka mid ah xanuunada aduunka ugu khatarsan.

daraasadan ayaa sheegaysa in bariisku si sahal ah isugu bedelo sonko. waxana lagu sheegay daraasadda in 36% dadka bariiska cad aadka u cunaa halis u yihiin qaadiska xanunka macaanka.
sidoo kale daraasaddan oo uu sameeyey machad ku yaalla wadanka USA ayaa sheegaysa in dadka bariiska cad aadka u cunaa ay halis ugu jiraan xanuuno kale oo ay ka mid yihiin dhiigkarka iyo xanuunada wadnaha.
ugu danbayn daraasaddan ayaa ku talinaysa in dadku iska yareeyaan cunista iyo caadaysiga bariiska cad oo sida daraasaddu sheegtay halis caafimaad darro geliyey dad badan.
Berberanews.
Cabdi Suldaan