Xaaladda Caafimaad ee Madaxweyne dalka Zimbabwe Robert Mugabe Oo Laga Dayriyay

Harare- (Berberanews)- Madaxweynaha dalka Zimbabwe Robert Mugabe ayaa la sheegay inuu hayo cudurka Kansarka Caloosha ku dhaca, kaasoo ku faafay xubnaha jidhkiisa ee kale, sida lagu faafiyay bogga Inter-netka ee Wikileaks.

Shabkadani waxay sheegeen inay soo xiganayaan Madaxweynaha Baanka Dhexe ee Zimbabwe Gideon Gono oo sheegay inay dhakhaatiirta Mr Mugabe u soo jeediyeen inuu talada dalkaas ka fadhiisto. Sidoo kalena shabakadani waxay shaacisay inuu hogaamiyahan oo haatan 87 jir ahi geeriyoon karo sannadka 2013. Hase yeeshee, sheegashada shabakaddan waxa beeniyay Mr Gono, kaasoo ku tilmaamay wararkaas kuwo been-abuur ah oo khiyaali ah.

Waraysi ay la yeelatay Reuters bishii September ee sannadkii hore, ayaa Mr Mugabe oo talada dalkaas hayay tan iyo sannadkii 1980-kii uu ku beeniyay wax kansar ah oo haya, balse waxa uu qiray inuu ku dhacay xanuunka qalalku.

Berberanews.com

Hargeysa, Somaliland

Email, info@berberanews.com