Dawlada Koonfurta Suudaan oo Caasimadda Juba ka guuraysa


Juba-(Berberanews.com/Reuters):- Dawlada caalamka
ugu da’da yar ee koonfurta Suudaan ayaa si rasmi ah u shaacisay in
caasimaddii hore ee Juba oo ahayd magaalo madaxdii ugu horaysay ee
dalkaas dhawaan loogu wanqalay ay ka guurayso oo dalkaasi yeelan doono
caasimadd cusub.
Caasimadda cusub ee dawlada Koonfurta Suudaan u guurayso, oo ku taal
badhtamaha dalka ayaa lagu magacaabaa Ramchel waxaanay caasimaddii
hore u jirtaa ilaa 200-km, sidaana waxa lagu sheegay qoraal ka soo
baxay dawlada koonfurta Suudaan oo uu ku saxeexnaa afhayeenka
xukuumadda Barnaba Marial.

Afhayeenka ayaa sheegay in shir golaha dawladu ku kulmay maalintii
sabtidii oo uu guddoominayay madaxweynaha Koonfurta Suudaan Silva Kiir
lagu go’aamiyay meesha rasmi ahaan laga dhigayo caasimadda dalka
Suudaan, si meesha looga saaro hadalada ku-tidhi ku teenta ah ee la
isla dhex marayay maalmihii ugu danbeeyay.
Barnaba Marial afhayeenka xukuumadda koonfurta Suudaan ayaa sababta
caasimadda looga rarayo magaalada Juba sheegay inay ka dhalatay
degaanadii magaaladu ku fidi lahayd oo ay gabi ahaanba ooteen oo ay
xidheen qabiilka degaanka Juba leh ee lagu magacaabo “Albaraa” kuwaas
oo wada hadalo dheer oo xukuumaddu la gashay ay ku dhamaadeen guul
daro, natiijo rasmi ahna la isla gaadhi kari waayay, sidaa daraadeed
la xaqiiqsaday in korodhka iyo baaxada magaaladu halis ku jirto.
Xukuumadda koonfurta Suudaan ayaa wakhtiyadii u danbeeyay ku hawlanayd
sidii qabiilka dega magaalada Juba loogu qancin lahaa inay dhul u
baneeyaan dib u dhiska iyo dadka maal gashiga samaynaya ee doonaya
inay magaalada soo degaan, hasa yeeshee Qabiilka Albaraa ayaa ku gacan
saydhay codsigaas si adagna u diiday inay u hogaansamaan, taas oo ugu
danbayntii dhalisay in gabi ahaanba laga guuro oo caasimadda dalka
meel kale loo badalo.
Sida golaha xukuumadda koonfurta Suudaan isla qaatay ka guurista
magaalada Juba ayaa socon doonta muddo sadex ilaa shan sanadood
gudahood ah, waxaana caasimadda cusub ee Ramchel laga hir galin doonaa
dhamaan dhismayaashii xukuumaddu ku shaqayn lahayd iyo kaabayaashii
dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada si ay caasimadd rasmi ah u noqoto.
Badelaada caasimadda koonfurta Suudaan iyo dhego adayga qabiilka dega
magaalada Juba ayaa dhaliyay su’aalo badan oo caalamku iska waydiiyo
sida ay koonfurta Suudaan u noqon karto dal dimuqraadi ah oo kala
danbaynta iyo maamul wanaagu ka hir galaan, maadama oo muddo sanad ka
yar ay dhacayaan waxyaabahan oo kale.
Faysal Maxamed Xasan
Berberanews.com,
Email: daralla066@gmail.com