Xukuumadda Somaliland oo sheegtay inay tallaabo adag ka qaadi doonto dadka ajaanibka ah ee dalka gudihiisa ku sugan haddii ay muddo 30 cisho gudahood kaga bixi waayaan

Hargeysa-(Berberanews)- Xukuumadda Somaliland, ayaa muddo sodon cisho gudahooda u qabatay inay dalka kaga baxaan dadka ajaanibka ah ee sifada sharci darada ah ku jooga dalka gudihiisa, kuwaasoo cidii fulin weyda go’aanka laga qaadi doono talaabo culus.

Masulliyiiin ay ka mid yihiin Ku-simaha Wasiirka Arimaha  gudaha ahana Wasiir ku-xigeenka  Md.Maxamuud  Garaad Soofe, Agaasimaha Guud ee Arimaha Gudaha Cabdlaahi (Black), Agaasimaha Guud ee Did-udajinta Axmed Cilmi Barre, Badhsaabka Gobolka Maroodi-jeex Xamarji,  Mayirka Hargeysa ahan Mayirkuxigeenka  Maxamed Cabdillaahi (Urcade), oo shir jaraa’id si wada jira ugu qabtay Wasaaradda arrimaha gudaha, ayaa daboolka ka qaaday go’aanka dalka lagaga caydhinayo qaxoonti tiradoodu u dhaxayso 80,000 illaa 100,000 (sideetan illaa boqol kun) oo sifo sharci daro ah dalka ku jooga.

 Xukuummadu waxay ku dhawaaqday ciddii ka dhega-adaygta go’aanka inay dalka kaga baxaan mudada loo qabtay ay ka qaadi doonto tallaabo sharciga waafaqsan, waxaana lagu wargeliyay muwaadiniinta reer Somaliland inay gacan siiyaan xukuumadda sidii dadkaas dalka looga saari lahaa.

 Wasiir ku-xigeenka  Wasaaradda Arrimaha Gudaha Md.Maxamuud Garaad Soofe, ayaa faahfaahin ka bixiyay sababta dhalisay inay qaxoontiga ajaanibka ah dalka ka caydhiyaan, waxaannu yidhi,  “Waxa noo Cuntami weyday in dad ka badan 100,000 oo qof ay dalka billaa sharci ku joogaan, oo ay meeshay doonan maran, waxay doonan sameeyan, waxa taasi ka sii dartay in dalka maalin walba ay soo galaan dad aad u farro badan, sidaasi daradeed waxaanu ka baqan in dalku isku dhalan rago, mid dadkii lahaa ka dhalan guura oo dad kale ay qabsadaan, oo waliba noqota meel cidii  doontaba ku soo hajiraan waxay doonaana ka sameeyaan” Ayuu yidhi Wasiir ku-xigeenku.

Garaad Soofe waxa uu ka digay inay talaabo ka qaadi doonaan cidii ka dhego adaygta go’aankooda,  “Waxaanu Go’aansanay in Maanta laga bilaabo oo ay taariikhdu tahay 4/09/2011ilaa 04/10/2011, ay dalka ka baxaan dadka aan u dhalan Somaliland ee ku jooga Sharci darada, Mudadaasi 30 cisho ah ciddii kaga bixi weyda Dalka ee ka dhago adaygta aanu talaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doono, iyada oo aan lagu xadgudbaynin Xuquuqdiisa shakhsiyadeed ee uu xaqa u leeyahay.” Ayuu yidhi Wasiir ku-xigeenku.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dib-u-dajinta Axmed Cilmi Barre, ayaa sheegay in aanay Somaliland ahayn meel qashin qub ah, balse ay tahay dawlad  sharci iyo dastuur u gaara leh, islamarkaana anaay aqbalki doonin in dalkeeda cid kasta soo gasho.

Berberanews.com

Hargeysa, Somaliland

Email, info@berberanews.com