Soomaaliland waa qaran ka caagan dildilaaca siyaasadeed

Somaliland waa qaran curdin ah oo ka jira geeska Africa.inkasta oo wax aqoonsi ah helin waxa si wayn loogu majeertaa bisayl hanaanka dimuqraadiyada ah iyo hour marka ka ifaya dhinac kasta mudada yare ee laga joogo xiligii dib ula soo noqoshada madax banaanida jamuuriyada soomaliland sidoo kale waxa lagu tilmaamaa inay in badan oo ah dalal la aqoonsan yahay dhinaca qaarada Africa ay kaga hor martay xaalada amaanka ee ka jirta taasoo si aan qarsoodi ahayn saxaafada caalamku wax ka  qoraan.

26 /6/2010, waxay ahayd  maalin qof kasta oo xaq u leh inuu codkiisa ku meel mariyo isbedel talada hogaanka dalka halkaana uu hogaanka u qabtay xisbiga talada haya ee kulmiye madaxwaynana uu ka noqday  madaxwaynaha dalka Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ka mid ah siyaasiyiinta faca wayn ee faro ku tiriska ah guud ahaanba qaarada Africa.doorashadan oo ahayd tii afaraad ee ka dhacda dalka tan iyo intii soomaliland ay u gudubtay tartanka xisbiyadatirada  badan ugu tartamayeen kursiga sare ee talada dalka waxay soo afjartay in badan oo ah aragtiyaha ka soo hor jeeda qaranimada iyo madaxbanaanida jamuuriyada soomaliland isla markaana quud daraynayay muran iyo khilaaf ka abuurma dhinaca dooroshooyinka, si kastaba ha ahaatee waxay noqotay mid raacday dhabihii hore ee  soomaliland ku caan baxday bulshada caalamkana ay kaga heshay sumcad iyo tixgalin ka duwan aragtidii hore ee ay ka haysteen. Soomaliland waxa sal u ah guulaha ay gaadhay talo wadaag shacab iyo dawladba  kana badbaadiyey  dildilaaca siyaasadeed oo gudeheeda kana majara habaabiya hadafka iyo himilada uu qarankan soomaliland hiigsanayo.
Hadaba, dhawaanahan waxa soo yeedhaya hadalo u muuqda baalmar cadadii bulshada iyo qaranka soomaliland lagu yaqiin.ma diidani wax sheeg iyo toosin wixii madaxda qaranka saluug ah ee shacbiga  uga muuqda hasa yeeshee waxa waajib ah madax iyo shiciba in laga fogaado aragti kasta oo hiil u ah lidka soomaliland.
 
 
Maxamed Xuseen Ciise (qamariye)
Email ;qamari002@gmail.com
Sheikh Soomaliland.