Dawladda Turkiga Oo Goysay wada shaqayntii milateri iyo siyaasadeed ee ay la wadaagtay Israel

Ankara-(Berberanews)- Dawladda Turkiga waxay hoos u dhigtay xidhiidhkii diplomaasiyadeed iyo iskaashiga dhinaca milateriga ee ka dhexeeyay Israel, waxyar ka hor warbixin dheer oo ku saabsan dilkii askarta Israel u geysteen muwaadiniin u dhashay Turkiga iyo Maraykanka oo saarnaa markab laga leeyahay dalka Turkiga oo sahay gargaar u siday Qaza oo wakhtigaana ku jiray bandoo.

Wasiirka Arrimaha Debedda Turkiga Ahmet Davutoglu, ayaa ku dhawaaqay go’aanka, waxyar ka hor intii aan aan Xogyahaha Qaramada Midoobet Ban Ki-moon helin horhdca warbixin dheer oo si faahfaahsan uga hadlaysa  dhacdadii ciidammada Israel ku laayeen muwaadiniinteeda, islamarkaana aanay aqoobsanayn haysashada Qaza, oo ay Israel u gudbin doonaan maxkamadda caalamiga ah ee adduunka.

“Xaqiiqdii, Isael waxay lumisay fursadao badan oo la siiyay. Dhinaca kale Israel waxay iska dhaadhicisay inay ka sarrayso shuruucda caalamiga ah iyo tanaasulka bilow-aadanka.” Ayuu yidhi Wasiirka arrimaha debedda Turkigu.

Dawladda Turkigu waxay cadhisay safiirkii Isarael u fadhiyay Ankara, waxaanay hoos u dhigeen xidhiihkii duplomaasiyadeed ee ka dhexeeyay, waxaanay saiirkeedii kala soo baxday Israel.

Sidoo kale, Turkigu waxay joojiyeen gebi ahaanba heshiisyadii dhinaca ciidammada, sida uu sheegay wasiirka arrimaha debedda Tuekiga Davutoglu, isagoo sheegay in dalkiisu xoojin doono joogitaanka ciidammadiisa badda ee ku sugan Mediterranean.

Berberanews.com

Hargeysa, Somaliland

Email, info@berberanews.com