Dadka Reer New York Oo Duufaanta Irene Galisay Nolol la mid ah Arrimo Filimada Hollywood Kaliya ka Arki jireen

New York, (Berberanews/W/Wararka):- Dadwaynaha ku dhaqan magaalada New York iyo degaano badan oo ku teedsan xeebaha bari ee dalka Maraykanka ayaa maalmihii ina dhaafay ku jiray xaalad nololeed oo filimada Hollywood soo saarta oo kaliya ka arki jireen, horana aan u soo marin inta badan shacbiga ku nool degaanadaas.

Sida kooxaha gurmadka iyo masuuliyiin sar sare oo ka tirsan Maraykanka laga soo xigtayna waxa sii korodhay tirada dhimashada ee duufaanta Irene oo 46-qof imika la sheegay inay gaadhayaan, sidoo kale khasaaraha dhaqaale ayaa balaayiin dollar lagu sheegay.

 

Magaalada New York ayaa dadka ku nool xaaladoodu noqotay mid u eg filimadii Hollywood ka samayn jirtay deegaanada Duufaanadu ka dhacaan, waxa caadi noqday roobab culus oo dabaylo xoog leh wata, sidoo kale gobolka North Caroline iyo meelo badan oo xeebaha bari ee dalka Maraykanka ku nool ayaa ku jira baro-kac iyo mugdi ka dhashay markii korontadu ka go’day meelo badan oo ka mid ah gayigaas.

Madaxweyne Obama ayaa mar sii horaysay dadka dhibaataysan ee duufaanta Irene ku dhuftay meelihii ay deganaayeen ugu baaqay inay u adkaystaan xaaladaha la soo dersay iyo koronto la’aanta, sidoo kale waxa socda dedaalka loogu jiro, sidoo loo samata bixin lahaa dad badan oo goobaha burburku ka dhacay ku sugan.

Duufaanta Irene oo la sheegay in heerka xawaare ee ay ku socotaa hoos u dhacay, haddana waxa jira cabsi laga qabo in biyo xidheenada iyo goobaha harooyinka oo si xoog leh u buux dhaafay ay ooda soo jabsadaan, ka dibna dhibaato aadami-nimo ka dhalato.