28-qof oo ku geeriyooday Weerar Salaadii Taraawiixda ee Caawa Lagu Qarxiyay Masaajid ku yaal Magaalada Baqdaad

Baqdaad- (Berberanews/W.Wararka):- 28-qof  ayaa dhintay inka badan sodon kalana way ku dhaawacmeen, ka dib markii qof naftiisa biimeeyay uu isku qarxiyay dad salaadii Taraawiixda ee xalay ku tukanayay Masaajid ku yaala Galbeedka Magaaladda Baqdaad ee caasimadda dalka Ciraaq.

Qaraxan oo aad u waynaa ayaa sida la sheegay waxa gaystay qof suun ka samaysan waxyaabaha qarxa dhexda ku soo xidhay oo inta uu badhtanka u galay dadkii cibaadaysanayay ka dibna is qarxiyay. Masuul ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Ciraaq oo warbaahinta faah faahin ka siiyay sidii qaraxani u dhacay ayaa waxa uu yidhi, “Qaraxani wuxuu ka dhacay Masaajidka Umul-Qurra oo ku yaala galbeedka Magaaladda Baqdaad, xiligaas oo dadkii musaliinta ahaa ay tukanayeen salaadii taraawiixda ee habeenkii 29aad ee Ramadaan, dadku cibaadaysiga ayay mashquul ku ahaayeen, hasa yeeshee Laciin ayaa soo dhex galay, (Isagoo u jeeda qofka isku qarxiyay dadka tukanayay), waxaanu ku dhex qarxay iyagoo Illaahay hortiisa taagan, insha Allah aakhirana iyagoo cibaadaysanaya ayay Illaahay hortiisa ku qabsan doonaan.”

Masuulkan oo xiliga uu warbaahinta u waramayay indhihiisa ilmadu ka daadanaysay ayaa intaa ku daray, “Tirada dadka dhintay waa 28-qof, dhaawacuna waa 37-qof oo shan ka mid ah xaaladoodu aad u culus tahay, oo dhamaantood la geeyay cusbitaalada.” Ayuu yidhi masuulkaas oo aanay wakaaladuhu magaciisa sheegin.

Dad goob joog ahaa ayaa sheegay in dadka ku jiray masaajidku tukanayeen ka dibna qof aan ilaa wali la aqoonsan ciduu ahaa uu isku dhex qarxiyay, ka dibna masaajidkii isku badalay meel sida kawaanka xoolaha lagu gawraco oo kale ah, waxa meel kasta oo masaajidka gudihiisa ka mid ah wadhnaa dhiig, maryo iyo kabihii dadkii la qarxiyay, ka dibna waxa bilaabmay argagax iyo is jiidh loogu kala dheeraynayo albaabada, ka hor intaan gaadiidka gurmadka caafimaadka iyo ciidamadda ammaanku goobta soo gaadhin.

Dadka ku dhaqan degaanka galbeedka Baqdaad ee qaraxani ka dhacay ayaa argagax iyo cabsi hadhaysay waxaanay qaar badan oo goobta qaraxu ka dhacay u soo gurmaday iyo kuwo ka badbaaday ay iyagoo murugaysan is waydiinayeen, sababta dad cibaadaysanaya loo beegsanayo iyo guusha laga gaadhi karo gumaadka dadka rayidka ah loo gaysanayo?.

Dhinaca kale waxa meelo kale oo ka mid ah dalka Ciraaq iyo magaalada Baqdaad lafteed-ba ka dhacay maalintii shalay qaraxyo dhawr ah oo lala beegsaday ciidamadda iyo dad rayid ah labadaba. Sida wararkii 24-kii saacadood ee u danbeeyay dalkaas laga helayaa muujinayaan, magaalooyinka Musal, Baqdaad iyo meelo kale oo ka baxsan ayaa qaraxyo kala duwani ka dhaceen, kuwaas oo gaystay khasaare naf iyo maalba leh.

Tan iyo intii bisha barakaysan ee Ramadaan bilatay waxa dalka Ciraaq ka dhacay weeraradii ugu badnaa ee lagu qarxiyo goobo xukuumadeed iyo kuwo rayid isugu jira, taas oo sida ciidamadda ammaanka ee dalkaas iyo Qaramada midoobay ku warameen gaystay khasaarihii ugu badnaa ee soo gaadha shacabka dalkaas.

Dalka Ciraaq ayaa tan iyo wixii ka danbeeyay duulaankii talada lagaga tuuray xukuumadii Sadaam Xuseen Al-Tikriiti sanadkii 2003-dii ku jiray dagaal iyo qulqulatooyin galaaftay nolosha in ka badan hal milyan iyo sadex boqol oo kun oo shacabka dalkaas ku dhaqan ah, mana muuqato ilaa wali wax ka soo rayn ah oo dhinaca ammaanka iyo nolosha dadwaynaha lagaga badbaadinayo geeri.

Kooxo ku dooda inay ka soo horjeedaan joogitaanka ciidamadda huwanta ee Maraykanku hor kacayo ee dalkaas ku sugan ayaa bilaabay wakhtiyadii hore qaraxyo lala beegsanayo ciidamadda shisheeyaha ah, laakiin sidii ay isku soo gurayeen waxay sanadihii ugu danbeeyay weeraradoodu bar-tilmaameed ka dhigteen dadka rayidka ah iyo goobaha lagu cibaadaysto ee diimaha iyo Mad-habaha kala duwan ee dalkaas oo mid walba weerar dhiig badani ku daatay lagu qaaday goobahooda cibaadada.

Faysal Maxamed Xasan

Berbera News Reporter

Email: daralla066@gmail.com

Hargeysa Somaliland