Badhasaabka Saaxil oo Amray Qabashada mid ka mid ah qabanqaabiyayaasha shirweyne Beesha Gobolka Saaxil dhawaan ku qaban doonto Dubur

Berbera-(Berberanews)- Badhasaabka Gobolka Saaxil Maxamud Cali Saleebaan ayaa amar ku bixiyay qabashada Muuse Daa’uud Cilmi, oo ka mid ah qabanqaabiyayaasha shir beesha gobolka Saaxil iclaamisay inuu dhawaan ka dhici doono deegaanka Dubur.

Muuse Daa’uud Cilmi, oo ay wallalo yihiin maayarkii hore ee magaalada Berbera Marxuum Siciid Daa’uud, oo ka mid ah wefti xildhibaanno iyo  Salaadiin oo gogol xaadh u ah shirka Dubur, kana soo kicitimay Magaalada Burco, ayuu Taliye-ku-xigeenka Booliska Berbera Yacquub ammar qabasho ah oo uu sheegay inuu ka haysto nbadhasaabka Saaxil Maxamuud Cali Saleeban ugu geeyay  hudheelka Maansha allah ee degmada Sheekh oo ay wegtidu deganaayeen, arrintaasoo ay ku gacan-saydheen xildhibaannadii weheliyay iyo maayarka degmada sheikh oo weheliyay wefiga markii taliye-xigeenku u yimi.

Hadaba, si aanu arrintan xog ramsiya uga helo, ayaanu xidhiidh la sammaynay dhinacyo kala duwan, ugu horayn Muuse Daa’uud oo weriye ka tirsan Berberanews khadka telefoonka wax kaga weydiyay sida wax u dhaceen, ayaa yidhi,  “Anigu waxaan ku jiraa Guddida Qaban qaabada Shirka Beesha Ciise muuse ee 10 bisha shuwaal ka qabsoomi doona Dubur,  markaa shalay ayaan soo maray Berbera, aniga oo ku sii jeeda Burco, wax danbi ah oo aan isku ogaana ma jiro, markii aan Burco gaadhay,  waxaan halkaa iska soo raacnay wafti balaadhan oo ka kooban Shan Suldaan oo ka mida Salaadiinta Beesha ugu waaweyn,labada xildhibaan ee Maxamed Faarax Qabile iyo Siciid Cilmi Rooble aniga iyo ninka la yidhaahdo Cabdi Nijaar iyo odayaal kale oo badan,waxaanu soo marnay Dubur oo aanu soo indho indhaynay. dabadeed waxaan u soo dhaafnay dhinaca Degmada Shiekh oo aanu kula balansanayn Mayaarka Degmada Shiekh si aanu arrinka shirka  uga wada hadalno.”

markaa waxaan ku degnay Huteelka Maansha Allah markaa anigu waan seexday waxaa soo jeeday Salaadiinta iyo xildhibaanada oo sugayey,dabadeed waxaa Hutelkii yimi Taliye ku xigeenka Booliska Yacquub oo aniga ii sida Waaran dabadeed waxaa uu ku yidhi Xildhibaanadii meeyay Muuse Daa’uud iyo maxaad ku falaysaa? waxaan u sidaa waaran, dabadeed Xildhibaan Qabile ayaa ku yidhi adeer ninka ma maxkamad ayaa soo amartay xadhigiisa iyo maye ee waxaa soo amray Badhasaabka, dabadeedna xildhibaan Qabile waxa uu ugu jawaabay ‘waxba xidhi mayside iskaga tag, oo sharciga u soo mar’.” ayuu yidhi Muuse oo aan Taliye-xigeenku ku guul-daraystay inuu xidhi,islamarkaana hurfay markii muranku dhexmaray taliyaha iyo weftiga uu la socday,  isagoo intaa raaciyay oo yidhi,  “Markaa adeer shirka qolo ay ku jiraan masuuliyiin dawlada ka mid ah  ayaa si kale u aragtay oo tidhi waxuu ka soo horjeedaa Dawlada, taasina waa been oo waxaa hawsha kuba jira Wasiir Sacad iyo xubno ka soo jeeda gobolka oo xukuumadda ku jira.” Ayuu yidhi Muuse Daa’uud.

Muuse oo aanu wax ka weydiinay ogaanshiyihiisa wax dembiya oo uu galay iyo wax dhex maray Badhasaabka Gobolka toona, ayaa ku jawaabay “Maye maye ma jirto marka laga reebo markii ay jirtay khilaafkii Jaamacada Badda ayaan ku idhi Gudoomiyaha ‘Waar Masuul ayaad tahaye hablaha si fiican ula hadal, markalena waxaan ku idhi anigu waxaan ahay Inaadeerkaa waxaanaan doonayaa Kursiga aad ku fadhido waayo kolay waa lagu bedelayaa xili ay noqotaba, damacuna dee dembi maaha.”

Badhasaabka Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan oo aanu isku daynay inaanu wax ka weydiinno dhacdadan, ayaanay noo suurtagelin telefoonkiisa gacanta oo xidhnaa awgii.

Khadar Jaamac Xaashi

Berberanews, Degmada Sheekh