Mucaaridka Libya oo 1,6-milyan u balan qaaday Cidii Madax Qadaafi nolol iyo Geeri miduun ku keenta iyo wararkii u danbeeyay Ee Tripoli

Tripoli- (Berberanews/AP):- Kooxaha Mucaaridka dalka Libya oo badi la wareegay gacan ku haynta caasimadda dalkaas ee Tripoli iyo dalka intiisa badan ayaa maalintii shalay soo saaray balan qaad lacageed oo lagu abaal marin doono cidii disha ama gacanta ku dhigta isaga oo nool hogaamiyihii dalka Libya ee la sii caydhsanayo.
 
Guddoomiyaha golaha ku-meel gaadhka Qaranka ee Libya Mustafe Cabdi Jaliil oo balan qaadkan lacageed ee la siinayo cidii qabata ama disha Qadaafi kaga dhawaaqay magaaladda Banqazi ee xarunta ku-meel gaadhka u ah kooxaha kacdoonka, ayaa sheegay in abaal-marintaasi dhan tahay 1,6-milyan oo dollar, qofkii ama kooxdii ku guulaysatana deg deg loo siin doono.
 
Balan qaadkan lacageed ee Mucaaridka Libya ayaa ku soo beegmaya wakhti caasimadda Tripoli inteedi badnayd laga qabsaday, xoogagii taageersanaa Col; Qadaafi meelo kale oo dalka ahna ay mucaaridku guulo ka gaadhayaan.
 
Hogaamiyihii Libya Mucaamar Al-Qadaafi ayaan la ogayn meel uu jaan iyo cidhib dhigay, inkastoo uu shalay aroortii fariin cod ah oo uu soo diray, hanjabaad cusub kaga dhawaaqay isla markaana sheegay inuu taatiko dagaal uga baxay xaruntiisi caasimadda. Codka Qadaafi oo laga sii daayay idaacad gudaha ku taala ayuu ku sheegay inuu shihiidi doono ama NATO ka guulaysan doono. Sidoo kale Qadaafi waxa uu fariintiisan codka ah ku sheegay inuu kormeer indho indhayn ah oo qarsoodi ah ku dhex maray Tripoli oo la burburiyay sida uu sheegay.
 
Labadda dhinac ee ku loolamaya hogaanka dalka Libya ayaa koox walba dhinacooda diyaarinayaan ama warbaahinta ka faafinayaan, fariimo iyo sheegashooyin guul ah. Hasa yeeshee waxa jira wali cabsi iyo dagaal ka socda caasimadda Libya, oo meelo badan dhawaaqa rasaasta laga maqlayo, taas oo galaafatay nolosha boqolaal rayid ah oo dhaawac iyo dhimasho soo gaadhay.
 
Xoogaga taageersan Qadaafi ayaa madaafiic ka soo ridaya, xaafadda Abu-salmayn ee badhtamaha Tripoli, xaafaddaas oo la sheegay inay tahay mid dadku aad ugu badan yihiin, cusbitaaladdana waxa buux dhaafiyay dad dhaawac ah oo laga keenayo goobaha hore ee la isku hor fadhiyo.
 
Fausal M Xasan
Berberanews.com