WARSAXAAFADEED: Arragtida Ururka UDHIS laanta Uk Xeerka Cusub ee Furashada Xisbiyada

WARSAXAAFADEED

Ururka UDHIS laantiisa UK, ka dib wada-tashi balaadhan oo lagu lafo-guray qodobada uu ka koobanyahay Xeerka Furasha Xisbiyada ee dhawaan Golayaasha Wakiilada iyo Guurtidu ansixiyeen, wuxuu ururku kasoo saaray war murtiyeedkan oo ka turjumaaya mowqifka UDHIS eek u waajihan Xeerkan.
Urur siyaasadeedka UDHIS wuxuu u arkaa qodobo dhawr ah oo ku jira Xeerkani inay yihiin kuwo dulmi iyo xaqdaro ah, isla markaana tacadi iyo jooq-fal ku ah xuquuqda distuuriga ah ee muwaadinku u leeyahay in si sinaan iyo cadaalad ah uga qayb qaadan karo dhisashada urur-siyaasadeedyo iyo doorashooyin.
Qodobo ku jira Xeerka Furashada Xisbiyada ayaa si cad u faquuqaya una duudsiyaaya qaybo ka tirsan muwaadiniinta Somaliland: sida Dhalinyarada da’doodu ka yar tahay 35 sano jir, oo uu xeerku xaaraantimeeyay inay hogaamiye ka noqdaan ama Ururada cusub. Sidoo kale wuxuu Xeerku Mamnuucayaa qurbojooga  Somaliland ee aan ku sugnayn Somaliland labada sano ee ugu danbeeyay. Waxaanu u aragnaa labadan arimood inay yihiin noocyo takoor ah oo gef (infringement) ku ah sinaanta muwaadiniinta iyo xuquuqaha distuuriga ah ee uu damaanad qaaday Distuurka qaranku.
 
Waxaa sidoo kale xusid mudan in Xeerkani xukumay in qiimaha khidmada diiwaan gelinta Ururada cusub ay noqon doonto lacag dhan 150,000,000 ShSl, taas oo 30 jeer ka badan qiimihii ay isku diiwaan geliyeen xisbiyaddii hore u jiray. Korodhka lacagta diiwaangelinta Ururada eek u xusan xeerkan iyo Faraqa u dhexeeya cadadkii lacageed e lauiiwaa gelyay Xisbiyada jira ayaa ah kuwo aan haba yaraatee la aqbali Karin oo dulmi iyo jooq-fal badheedh ah ku ah dhamaan umada Somaliland isla markaanu salka ku haya ujeedooyin cunsuri iyo aannaaniyadeed oo looga danleeyay in dadka danyarta ah ee dhaqaalahoodu hooseeyo lagu caqabadeeyo loogana xayiro ka qaybqaadashada dhaqdhaqaaqyada siyaasiga ah.
Waxaanu aaminsanay in haddii la kordhinaayo qiimaha diiwaangelinta Ururada taasi u baahantay in lagu saleeyo qaab cilmiyaysan iyadoo la eegayo heerka sixir bararka (inflation rate). Ma aha cadaalad in adeeg isku mid ah ay Ururada qaarka ku helaan/ka bixiyaan 5,000,000 shSl (5 milyan) kuwa cusubina ka bixiyaan 150,000,000 ShSl, (150 milyan). Arintani waa dulmi iyo cadaalad daro badheedh ah lamina aqbali karo haba yaraatee.
 
DHALINYARADA IYO QURBAJOOGA
Urur-siyaasadeedka UDHIS wuxuu aaminsanyay in Dhalinyarada  da’doodu ka hoosayso 35 sano jir ay yihiin qaybta tiro ahaan ugu badan mujtamaca reer Somaliland, isla markaana yihiin muruqa iyo maskaxda dihin ee lagu faani karo oo ay kaalin muhim ah kaga jiraan bulshada. Sidoo kale waa kuwa ay taabatay mushkuladaha shaqo la’aaneed ee ka jira Somaliland manta. Sidaa darted waxaa ururka UDHIS u arkaa gef xayiraada iyo takoorka uu Xeerka Furashada Xisbiyadu ku jideeyay dhalinyarada, waxaananu ugu baaqaynaa Dhalinyarada Somaliland, ardayda Jaamacadaha, waxgaradka iyo dadweynaha jecel dimuqraadiyada iyo xaq-soorka inay si cad uga soo horjeestaan qodobkan oo kooto u gelinaaya hogaan-siyaasadeedka dalka da’waynta oo kaliya.
Sidoo kale qurba jooga Somaliland oo ah laf-dhabarta dhaqaalaha, isla markaana ah dad soo gudbin kara aqoon iyo waayo aragnimo loo aayo, aanu ugu baaqaynaa inaanay marnaba raali ka noqon takoorka iyo dadafaynta xuquuqdooda distoori ee uu sida badheedhka ah Xeerka Furasha Xisbiyadu ugu jooq-falay.
Sidaa si la mid waa in danyarta Somaliland, xoolo dhaqatada, xoogsatada iyo muquq-maalku ka gilgishaan lacag-kordhinta khidmada Diiwaangelinta Ururada cusub oo looga danleeyahay in lagu caqabadeeyo dadka aan dhaqaalaha badan haysan. Ogow xaqaaga dimuqraadiyeed iyo kan distuuri midna inuu kugu qaaliyoobo maahee.
 

Wa Bilaahi Tawfiiq

Yassin M. Ismail  (Acting spokes person for UDHIS @ London)