“Marka Maamulku khaldan yahay, kala Baqi maayo oo waan ku Dhiiran Doonaa inaan Khaladaadkiisa u Sheego..” Dr. Gabboose

Hargeysa-(Berberanews)- Wasiirkii hore ee wasaarada arrimaha gudaha Dr Maxamed Cabdi Yuusuf Gaboose, ayaa maanta si rasmiya xilkii uu iska casilay ugu wareejiyay wasiir ku xigeenka wasaardaa arrimaha guddaha Cismaan Garaad Soofe oo xilka wasaaradaas hayn doona ilaa inta madaxweyne Siilaanyo u soo magacaabi doono wasiir cusub.
Munaasabada xil wareejinta oo lagu qabtay xarunta wasaarada arrimaha gudaha ee Magaalada Hargeysa,isla markaana ay ka soo qayb-galeen taliyaha ciidanka Booliska Maxamed Saqadhi Dubad, taliyaha ciidamada ilaalada xeebaha Axmed Aw Cismaan, maayar ku xigeenka caasimada Hargyesa, xildhibaano ka tirsan baarlamaanka iyo shaqaalaha wasaarada.

Wasiir hore arrimaha guddaha Dr Gaboose oo ka hadlay sababta uu xilka iskaga casilay iyo u saamaynta ay ku yeelan doonto xidhiidhka u dhexeeya isaga iyo Madaxweynaha, ayaa sheegay in iscasilaadiisu waxa uu sheegay in uu si dhaw ula shaqayn doono Madaxweynaha, laakiin aanu ka tanaasuli doonin in uu soo bandhigo xaqiiqda jirta oo ah mid lagu toosinayo maamulka.
Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “ Anigu waanigii xilkii iska casilay isku maan casilin xumaan iyo xanuun na dhex yaal aniga iyo Madaxweynaha iyo saaxiibadaydii kale ee ka tirsan xukuumada, dariiq kale oo aanay is qaadan Karin laba masuuliyadooda oo aan is qaadan karin ayaa ay ahayd oo anoo mid wada mid kale kuma dhex wadi karo , ayaan kolkii aan isla hadlay doorbiday oo aan is idhi in aan ku eekaato taa himilada ah ee aan muddada dheer ku soo halgamayay , haddii ay khary tahayna ilaahay khayr ha iiga dhigo haday shartahayna Ilaahay ha iga xijaabo, markaan qalbigayga hoose ka hadlo Madaxweynaha lexjeclo ayaan ka leeyahay waayo halgan dheer ayuu soo maray oo aan qayb ka ahaa oo aan is leeyahay wuu ku mudan yahay in uu dalkiisa hogaamiyo, lexjeco labaad waan ka leeyahay oo hadh iyo habeen maan hadhsan sidaan kursiga u saari lahaa, qofkaan dadkiisa hortiisa ku amaanayay igama suurtowdo in aan dadka hortiisa ku caayo ”
Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Waayo anaa is caayay , hadii maamulka ay milgihiisa iyo shuruucdiisa wax ka qaldamaan laga yaabaa khalad yar in uu dhibaato weyn inoo keeno, markuu maamulku khaldan yahay kala baqi maayo ee waa in aan ku dhiirado inaan khaladkiisa u sheego anoo dariiqa ugu dhaw u maraya”
Waxa kale uu ka hadlay Dr Maxamed Cabdi Gaboose waxqabadii ay wasaaradu ku talaabsatay muddadii uu xilka hayay, isaga oo tilmaamay in hay’ada Maraykanka u qaabilsan gargaarka iyo horumarinta ee  USAID in ay wasaarada ugu deeqday lacag  gaadhaysa  ($2.5 Million) oo lagu hirgelinayo dhismayaal loo dhisayo wasaarada , guddomiyayaasha  gobolada iyo degmooyinka dalka,  dhawaan-na  Ciidanka Booliska loo dhisayo xarun  weyn  oo ay ku bixi doonto lacag malaayiin Dollar ah.
 
Ugu dambayntii waxa isna halkaas ka hadlay ku simaha wasiirka arrimaha guddaha Cismaan Garaad Soofe oo sheegay inuu u mahad naqayo wasiirkii hore, isagoo ku amaanay muddadii ay wada shaqanayeen inuu ahaa shakhsi daacad ah oo aan mark-na wax khilaaf ahi soo kala dhex galin.
Berberanews.com
Hargeysa, Somaliland
Email, info@berberanews.com