Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Ingiriiska oo booqasho ku tagey Muqdisho iyo ujeeddada socdaalkiisa

Muqdisho- (Berberanews)- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Maxamed Cali ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wefti uu hoggaaminayo wasiirka horumarinta caalamiga ah ee Britain Andrew Mitchell, iyagoo kulankooda intiisa badan kaga hadlay abaarta iyo macluusha ka taagan Soomaaliya.
Mr. Michell ayaa sheegay in qodobka koowaad ee ay kawada hadleen weftigiisa iyo xubnaha dowladda ay yihiin macluusha iyo abaaraha ka taagan dalka, isagoo xusay in dalkiisa uu diyaar u yahay inuu qayb muuqata ka qaato kaalmeynta dadka ay abaaruhu saameynta ku yeesheen.

“Arrinta koowaad ee aan kawada hadalnay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya waxay ahayd saameynta ba’an ee abaaraha ka dhashay iyo weliba caruurta ay haysato nafaqo-darrada, waxaana hadda u jeednaa cudurka daacuunka oo ka jira meelo ka mid ah Soomaaliya,” ayuu yidhi Mitchell.
Wasiirku wuxuu sheegay in 400,000 oo caruur ah ay haatan u dhimanayan macluul darteed, isagoo ugu baaqay beesha caalamka inay qayb ka qaataan sidii loo badbaadin lahaa caruurtaas.
“Britain waxay safka hore kaga jirtay sidii looga hortagi lahaa macluusha, balse dunida oo dhan ayaan haatan ka dalbanaynaa inay qayb ka qaataan sidii macluushu inay baahdo looga hortegi lahaa,” ayuu mar kale yidhi.
Sidoo kale, wasiirka Britain wuxuu sheegay inuu la kulmay sideed wasiir oo ka tirsan xukuumadda KMG ah oo qaarkood ay kasoo laabteen qurbaha, isagoo sheegay inuu ku faraxsan yahay in DKMG ah ay xallisay khliaafaadkeedii oo ay doonayso inay ku dhameystirto howsha u hadhsan muddada halka sano ah.
Andrew Mitchell wuxuu soo hadal qaaday ka bixitaankii Al-shabaab ee Muqdisho isagoo sheegay inuu ku faraxsan yahay, wuxuuna xusay in DKMG ay haatan diyaar u tahay inay si nabadaglyo ah gargaarka ku gaadhsiiso dadka dhibaateysan, isagoo intaa ku daray in sidoo kale ay DKMG ah diyaar u tahay ka hortago musuqmaasuqa iyo la xisaabtamo.
“Beesha calaamku si ay wax badan u qabato waxay u baahan tahay inay arkaan dowladda KMG ah oo wax ka qabatay nabadgalyada,” ayuu yidhi Mitchell, isagoo hadalkiisa kusoo gabgabeeyay in dalkiisa uu gargaar fara badan ugu talogalay dadka ay abaaruhu ku dhufteen.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Maxamed Cali oo isaguna ka hadlay shirka jaraa’id ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay booqashada uu wasiirka horumarinta caalamiga ah ee Britain, isagoo sheegay inay ka mahadcelinayaan dadaalka ay ugu jirto Birtain sidii loo caawin lahaa shacabka Soomaaliyeed.
Booqashadan Mitchell oo ahayd mid saacado qaadatay ayaa noqonaysa tii ugu horreysay oo mas’uul sare oo Britain ah uu ku yimaado Soomaaliya muddo 18-sano laga joogo.
 
 
Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland.