Haweenka Soomaaliyeed ee Gaajada iyo Abaaraha Uga Qaxay Somalia oo Dhibaato Xannuun Badan Kala Kulmay Xeryaha Dalka Itoobiya

Eithopia-(Berberanews) – Abaaraha ku dhuftay Soomaaliya waxay ku qasbeen kumannaan qoys  oo haween iyo caruur u badan inay ka qaxaan guryahooda iyagoo ku biirayay kumanaan kale oo hore ugu sugnaa xeryo ku yaalla dalalka Itoobiya iyo Kenya si ay cuno u helaan.
In ka badan 78,000 oo qof oo Soomaali ah ayaa u qaxay dalka Itoobiya, kuwaasoo ka cararayay abaaraha ku dhuftay Koonfurta Soomaaliya, halkaasoo ay ka heleen waxooga gargaar cunno ah oo ay siisay hay’adda UNHC, kuwaasoo ka soo kabtay nolol diif iyo daal badan oo gaajo iyo haraad isu barkaday, haseyeeshee haweenka Soomaaliyeed ee qaxoontiga ku noqday xeryaha qaxoontiga Itoobiya waxay halkaa kala kulmeen dhacdooyin ka xannuun badan gaajo iyo haraad oo lagula kacay, waa kufsi.iyo ammaan daro noloshoodu la deristay.

“Waan dhacay, kaddibna qoorta ayay iga qabteen waxayna isticmaaleen jidhkeyga, Nabadgalyo buuxda kama jirto kaamka,”sidaa waxa wakaallada wararka AFP u sheegtay Ruqiya C/qaadir oo ah  16-jir ka soo qaxday dhibaatooyinka abaaraka Somalia, balse fal kufsi ah lagula kacay markii ay debeda uga baxday kaambool ay ku jirtay, si ay qaabo u doonato,  iyadoo ku sugan kaam ku yaalla deegaanka Kobe oo ku yaalla koonfurta dalka Itoobiya.
 
“Waxaan ka walaacsanahay in kaamamku ay noqdaan kuwo ay xadgudubyo ka dhacaan waqti walba,” sidaa waxa yidhi Jo Hegenauer oo ah madaxa gargaarka deg-degga ah ee haya’dda qoxootiga dunida ee UNHCR.
Afhayeennada UNCHR Laura Padoan ayaa sheegtay in kufsiga ay tahay waxa keliya ee ay walaaca ka qabaan. Iyadoo sheegtay in kiisas badan oo kufsi ay dhaceen tan iyo markii kaamka la furay.
“Dhab ahaan ficilkan waa mid aad u xun,” ayay tidhi. “Laakiinse ma filayo inay khatar guud ku tahay qoxootiga,” ayay hadalkeeda daba-dhigtay, iyadoo xustay inay yihiin kuwa falkaas geysanaya rag aad u tiro yar.
“Nolosha kaamamka ma ahan noloshii runta ahayd,’ ayuu Hegenauer, oo mar kale yidhi: “Runtii nolosha qoxootinimo waa mid wadata noocyo badan oo wareer ah iyo rabshado.”
Mid ka mid ah shaqaalaha hay’adaha gargaarka ayaa sheegay in ciidamada ku sugan kaamamka ay yihiin kuwo dhaca gargaarka dadka dhibaateysan loogu talogalay. Saraakiisha Qarammada Midoobay ayaa sheegay inay walaac ka qabaan kufsiga lagula kaco haweenka ku jira xeryaha Kenya iyo Itoobiya.
“Rajooyinka iyo in la helo ammaan ayaa waxaa isku dahaadha khataro iyo dhibaatooyin uu ka mid yahay kufsiga,” ayay tidhi Margto Wallstrom oo ah wakiilka Qarammada Midoobay ee galmoodka sharci-darrada ah.
Ruqiyo waxay sheegtay inaysan u qorsheynayn inay ku laabato marka loo eego dhibka loo geystay, iyadoo sheegtay inay sii joogayso kaamka ay ku jirto. “Waxaan jeclahay inaan halkan joogo sababo nololeed awgood,” ayay tidhi.
 
Berberanews.com
Email, info@berberanews.com
 
AFP/hiiraan