Hoggaamiyayaasha 50 Dalalka Islaamka Oo Ka Shiraya Dhibaatada aadanimmo ee Somalia iyo Raysal-wasaaraha Turkiga Oo Todobaadka soo socda booqanaya Muqdisho

Istanbul-(Berberanews/BBC)- Hogaamiyayaasha iyo masuuliyiinta konton iyo toddoba dal ee ku jira Ururka Islaamka ayaa maanta shir ku yeelanaya magaalada Istanbul ee Turkey si ay uga hadlaan abaarta Soomaaliya.

Shirka ayaa waxaa qaban qaabiyay dowladda Turkey. Ra’iisalwasaaraha Turkey Racep Tayyip Erdogan, ayaa qorshaynaya inuu booqasho ku tago Soomaaliya toddobaadkan isaga iyo xaaskiisa si ay adduunka ugu soo jeediyaan xaalada xun ee ka jirta Soomaaliya.
In Dowladda Turkey ay waqti badan galiso Soomaaliya ayaa ah cadayn inay kaalin wayn ka qaadanayso Afrika iyo dalalka Islaamka.
Dadka Turkishka ayaa in ka badan boqol milyan aruuriyay si gargaar loo gaadhsiiyo Soomaaliya.
Ra’iisalwasaaraha Turkey ayaa sheegay inuu booqan doono Soomaaliya Toddobaadkan.