Ciidamadda Milatariga Suuriya oo shacbiga Magaaladda Ximis Afur uga dhigay Duqaynta Madaafiicda

Syria- (Berberanews/Retuers) Ciidamadda Milatariga ee dalka Suuriya ayaa shacbiga ku dhaqan magaaladda Ximis wakhtigii afurka ee arbacadii maanta sida roobka kaga dhigay Madaafiic aan loo kala aabo yeelin, waxaanay halkaas ku dileen sida wakaaladda wararka ee Reuters ku soo waramayso dad tiradooda gaadhayso 16-qof oo dhamaantood rayid ah.

Qof u hadlay kooxaha xuquuqda aadamaha u dhaq dhaqaaqa oo ku sugan magaaladda Ximis oo wakaaladda wararka ee Reuters khadka telefoonka kula xidhiidhay ayaa sheegay in xiligii loo diyaar garoobayay afurka ay ciidamadda milatariga ee dalkaasi duqayn baahsan oo aan loo kala aabo yeelin ay ku garaaceen madaafiicda cul culus shacbiga ku dhaqan xaafadda Baaba Cumar ee magaaladdaas halkaasna ay ku dhinteen 16-qof oo dhamaantood wada shicib ahii, sida ninkaasi wakaalada Reuters u sheegay.
 
Ninkan wakaaladu waraysatay ayaa intaa ku daray in wali jidadka magaaladda ay yaalaan qaar badan oo ka mid ah dadkii duqayntaas ku dhintay, cidii isku dayda inay qaadaana ay ka cabsoonayaan toogasho inay ku dilaan rag shiish- yahano ah oo cidii u dhawaata meel fog ka soo tooganaya, waxa kale oo uu warku intaa ku daray in 20-qof oo dhawac ah la geeyay goobaha caafimaadka. 
 
Ruuxan u waramay wakaalada wararka oo ka gaabsaday magaciisa sababo ammaankiisa la xidhiidha awgeed ayaa sheegay in dadku argagax qaadeen, ka dib markii xiligii afurka loo diyaar garoobayay duqayntu ku bilaabantay, waxa kale oo uu tilmaamay in ciidamaddu guri guri u baadhayaan magaaladda oo wixii dhalinyaro ah ay xidhayaan, cidii isku dayda inay ka baxsatana ay rasaasaynayaan.
 
Duqayntan iyo gumaadkan shacbiga magaaladda Ximis oo ah magaaladda labaad ee dalkaas ugu wayn ayaa ku soo beegmaya xili cadaadiskii ugu waynaa ee caalamka ka soo waajaha iyo canbayn aan kala go’ lahayni ku socoto madaxweynaha dalkaas Bashaar Xaafid Al-Asad. 
 
Todobaadkan gudihiisa waxa dalkaa safiiradoodi ka qaatay Wadamadda Sucuudi Arabiya, Kuwait iyo Baxrayn, sidoo kale waxa maalin uun ka hor duqayntan magaaladda Ximis dalkaas socdaal ku tagay wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Turkiga Axmed Daa’ud Oglo, kaas oo Madaxweyne Bashaar Al-Asad gaadhsiiyay fariin qoraal ah oo uu ka siday dalkiisa, taas oo nuxurkeedu xambaarsanaa ashkato dawladda Turkigu ka qabto gumaadka iyo cadaadiska dawladda Suuriya ku hayso shacbiga mudaharaadaya, isla amrkaana lagaga dalbanayo madaxweyne Asad inuu talaabooyin deg deg ah oo isbadal dalkaas lagaga samaynayo qaado intaan xaaladu faraha ka bixin. 
 
Tan iyo markii kacdoonada lagu diidan yahay dawladda dalkaasi ay bilaabmeen muddo shan bilood laga joogo waxa ciidamadda milatariga ee dalkaas ay dileen dad tiradoodu shan kun oo qof kor u dhaafayso waxa kale oo xabsiyada lagu guray kumanaan kale oo aan la ogayn waxa ay ku danbayn doonaan.
 
Faysal Maxamed Xasan